Golaha Wakiilada Somaliland Cod Dheeri U Bedalay In Maayarada Lagu Ridi Karo

54
5042

Hargeysa(Geeska)-Golaha wakiilada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ogolaaday in wax ka badal lagu sameeyo xeer 23 oo mooshin ay xildhibaano ka keeneen yaraynta xildhibaanada golaha deegaanka ee soo dooranaaya maayarka.

Fadhigan oo uu shir guddoominayay gudomiyaha golahaas Baashe Maxamed Faarax waxa fadhiyay 53 xildhibaan, waxa u codeeyay in moshinkan hoos loogu dhigaayo xildhibaanada dooranaaya maayarka 42, waxa diiday saddex xildhibaan.

Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax oo fadhigan ka hadlaayay waxa uu yidhi”mudanayaal golaha waxa yaalay mooshin wax ka badal lagu samaynaayay xeerka 23 , dood ayaa la galay waxaana doodii ka dhalatay in wax ka badal lagu sameeyo xeer 23, waxa yaal laba arimood oo doodii xildhibaanadu u badatay in mooshinkii loo codeeyo iyo in mooshinkii oo kaabistii iyo wax ka badalkii la socdo loo codeeyo, mooshin ayaa la keenay golaha waxaanu ahaa ma sadex meeloodow ayaynu u daynaa  mise hal dheeri ayaynu ka dhignaa.”

Guddoomiye Baashe oo codaynta ku dhawaaqayay waxa uu yidhi”waxa kabadalka iyo kaabista xeer 23 waxa u codeeyay 42 xildhibaan,sadex xildhibaan way diideen,todoba xildhibaan way ka aamuseen gudoomiyahiina ma uu codayn,waxaana sax noqday mooshinkii wax ka badalka iyo kaabista  xeer 23.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here