Wefti Culus Oo Ka Socda Dalka Turkiga Oo Uu Madaxweyne Siilaanyo Soo Dhawayntooda Guddi U Saaray Oo Baaqday Iyo Su’aalaha Ku Xeeran

0
3007

odayHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa khamiistii xulay guddi uu hoggaaminayo Madaxweyne xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil, kuwaas oo uu sheegay inay geli doonaan qaban qaabada soo dhawaynta Raysalwasaare xigeenka Turkiga Mr. Bekir Bozdag oo uu sheegay inuu Sabtida maanta safar ku iman doono Hargeysa.

Sida ay Geeska Afrikau sheegeen ilo xogogaali Madaxweynuhu wuxuu hadalkan ka sheegay shirkii golaha wasiirada ee khamiistii oo uu sidoo kale ku xulay guddigaas, waxaanu ku taliyay in si culus loo soo dhaweeyo maadaama oo uu yahay masuul sare oo ka socda dawlad magac ku leh dunida. Hase yeeshe isla gelinkii dambe ee khamiistii waxa soo baxay war sheegaya inuu weftigii Turkigu baaqday, iyadoon la sheegin sababta rasmiga ah ee keentay baaqashada weftigaas culus, waxaanay warar soo baxay sheegayaan inuu weftigu dib u dhacay ilaa badhtamaha bishan. Hase yeeshe waxa dad badan yaab ku noqotay dib u dhaca ku siman tobaneeye maalmood ee wefti miisaankaas leh oo marka la eego hadalka Madaxweynaha Somaliland safarkiisa hore loo sii qorsheeyay, arrimo badan ayaana sabab u noqon kara dib u dhaca safarka raysalwasaare ku xigeenka Turkey. Dhanka kalana maadaama oo dib u dhac ku yimaadda safar masuul caalamiya oo sidan u darajo sareeyaa uu yahay arrin weyn oo u baahan fasiraad, waxaa suurtogal ah in aanu dib u dhac jirin ee ay tahay xog la’aan wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ka haysa jadwalka imaanshiyaha masuulkan, kuwaas oo laga yaabo in ay madaxweynaha si sibiq ah ugu sheegeen waqtiga imaanshiyaha masuulkan oo aanay xog rasmi ah ka haynin.

Waxa arrintan xoojinaya qaladaad farsamo iyo anshax oo hore marar badan wasaaradda arrimaha dibadda looga arkay, dad badan ayaana isla arrimahaas hore oo kale u sibir saaray is beddelka ku yimi waqtiga imaanshiyaha masuulkan.