Madaxweyne Biixi Oo Madaxda Soomaaliya Ku Eedeeyay Inay Doonayaan In Dabka Dalkooda Ka Shidan Cagaha U Geliyaan Somaliland

0
563

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo hadal ka jeediyay munaasibada 28 guurada ciidamada qalabka sida, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Somaliland iyo Soomaaliya mid waliba dhankeeda isku dhisto, maadaama oo sida uu sheegay midowgii lagu hungoobay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay ku faraxsan yihiin in dowladda Soomaaliya dhisanto, oo hurumar-na gaadho.

“Dhibaato ayaa inaga gaadhay oo waynu dunay, labadii dowladood mid waliba gaar keeda ha isku dhisto oo ha socoto, anagu in ay dhismaan, iyagoo qoladii Talyaanigu haysan jiray ah oo ay horumaraan, kuwii jira ahaada oo soo kora ayaanu leenahay” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale, madaxda Soomaaliya ku eedeeyay in ay doonayaan in ay shacabka Somaliland galiyaan dhibaatada ka socota Soomaaliya.

“Taliska halkaa ka taliya weli waxaa ka dhaadhici la, waar 30 sanno ayaynu midaysnayn oo waynu is eednay oo waynu isla dunay, 30 sanno ayaynu kala maqnaynoo wax badanba yaanaan gaadhine, nabad, horumar iyo dowlad dhis baanu ku jirnaa, idinkana dhibaato ayaa idin haysata, waxa la yaab ah in aad dabka nala soo gala tidhaahdan” ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay mudan yihiin in lagu tixgaliyo doonistooda, waxa uu sheegay in Somaliland aanay cidna dagaal kula jirin.

 

Geeska.net/Hargeisa Office