Waxgarad Beesha Gobolka Hawd Ah Oo Digniin Ka Soo Saaray In Dalka Laga Qabto Doorasho Aanay Raalli Ka Ahayn

0
73

Hargeysa (Geeska) – Ka dib, markìi Komiishanka doorashooyinku muddeeyay xilliga la qabanayo doorashooyinka isku-sidkan ee Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda isla-markaana uu Madaxweyne Biixi qalinka ku duugay muddada doorashada, ayaa waxa soo baxay Ururro diiddan doorashooyinkaasi.

Ururrada diiddan isla-markaana sharci-darro u arka in Natiijada doorasharada Madaxtooyadu khusayso oo keliya 3-da Xisbi siyaasadeed, ayaa waxa ka mid ah Ururka Horseed.

Ka sakow, Ururka Horseed waxa jira Waxgarad la aragti ah Ururka Horseed, kuwaasi oo sheegaya inaan dalka laga qaban karin doorasho aan heshiis lagu ahayn.

Dadkaasi waxa ka mid ah Iid Jiciir oo ka mid ahaa Mujaahidiintii Ururkii SNM, imika ka mid ah Waxgaradka Talooyinka ka geysta hoggaaminta dalka.

Iid Jiciir oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in haddii la isku joojin waayo ay Beel walba dalka dhinac goosan doonto “Dalka dhinaca kalena waalla goynayaa, arrintaana waxa Masuul ka ah saddexda Habrood, waayo? Saddexdaa Habrood ayaa Maalinba mid Riwaayad la imanaysaa, dabadeedna

riwaayaddii loo fulinayo, Anaguna Maanta ayaanu keenaynaa Riwaayaddayadii u waynayd..” ayuu yidhi Mujaahid Iid Jiciir, isagoo dibaaqaya in Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Komiishanka Qaranku ay ku shaqaynayaan Taladii ay Waxgaradka Beesha bariga Burco soo jeediyeen markii dablay ay isku hayb yihiin Musharraxa WADDANI ay galeen buurta Gacan-libaax, soo jeedintaas oo Baarlamaanku sharci u beddelay, Madaxweynuhu ansixiyey.

IID Jiciir oo sii hadlaya ayaa sheegay in Beeshiisu aanay Raalli ka ahayn nidaamka loo qabanayo doorashada, sidaa awgeedna ay goosanayaan dalka inta ay ka degaan “Arab Hargeysa ayuu gooosanayaa, Ninka xiniinyo leh ee Doorasho aanu Arab ogolayn qabanayoow dibedda u soo bax..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Adeer, Dadku ka tanaasuli maayaan waxay xaqa u leeyihiin. .”