War Dhiillo Leh Oo Laga Helay Dhallinyaro Reer Somaliland Ah Oo Muqdisho Lagu Xidhay, Ka Dib Dilkii Cabdinaasir Dahable

0
64

Hargeysa (Geeska) – Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya dhibaato lagu hayo dhallinyaro reer Somaliland ah oo ka shaqaynayey Waaxda Duulista Hawada ee Soomaaliya, kuwaasi oo la xidhay ka dib dilkii Alle ha u naxariistee Cabdinaasir Muuse Dahable oo isaguna waaxdaa ka hawl-galayey.

Xildhibaan Cali Maxamuud oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo xabsiga ku booqday, ayaa qoraal uu baahiyey kaga warramay dhibaato lagu hayo dhallinyarada reer Somaliland ee Muqdisho ku xidhan. Qoraalka uu Xildhibaanku kaga hadlay arrintaasi oo soo gaadhay Geeska Afrika, ayaa u qornaa sidan “Maxaabiistii u xidhnaa Kiiskii Cabdinaasir Muuse

Dahable Eebbe hawnaxariiste ayaa maalimihii u danbeeyay waxa naga so gaadhay warbixinno Maadaama aannu matalno.

Warbixintaas oo ah in inamada la toojargareeyay oo waliba ay ku yaalaan nabaro muuqda. Arinkaa markaan maqlay waxaan aaday wiilashii xidhnaa si aan arinka waxa ka jira u soo xaqiijiyo.

Waxaan la kulmay is hor taag uu waliba igu sameeyay taliyaha qaybta baadhista ee lagu magacaabo saadiq doosisho isaga oo cuskanaya in amar ka sareeya uu amray in aanay cidina booqan karin. Arinkaasi wuxuu ii muujinayay markaa oo caddayn u noqday in warkaa dhiilada leh ee wiilasha nalooga soo sheegay uu dhab yahay!

Maadaama annaga oo masuuliyeen dawladeed ah waliba xildhibaanadii matalayay ah naloo diiday! Dadaal dheer aanu wadnay ka dib aniga iyo xildhibaanno saaxiibaday ah oo waanu wada matalno wiilasha ayaa 19 bisha Waxaanu booqanay shan ka mid ah inamaddii u xidhnaa kiiskii Marxuum Abdinaasir Muuse. Waxaanu midh midh u waraysanay shantii wiil ee xidhnaa.

Waxa aanu waydiinay sidii loola dhaqmay intii ay xidhnaayeen. Badi inamada wax dhibaato ah may sheegan.

Laakiin, mid ka mid ah inamada ayaa saraakiishii kacanta ku hayay iyo anagaba hortayada ka sheegtay in si bini aadan tinnimada ka baxsan loola dhaqmay, toojargarayn, tacaddi iyo jidhdil intaba in loo gaystay.

Waxaana nooga muuqday nabaro iyo dhaawac korkiisa! Runtii waxay nagu noqotay argagax iyo yaab in haayaddii danbi baadhista(CID) ee loogu tala galay baadhis ku dhisan Cadaalad iyo in ay xuquuqda dadka dhawrto in dhaqamada caynkan ah in ay samayso. aad baanu uga xunahay in falka caynkan ah lagu sameeyo

dadkii aanu xildhibaanad u ahayn.

Wax aanu aqbalaynana ma aha waana la iskala xisaabtami doonaa iyada oo aan cidna sharcigu ka waynayn ..”  ayuu yidhi Xildhibaan Cali Maxamuud.