“Waxaynu Ognahay Shalay Midnimadii Somaliland Ee Jirtay Halka Ay Maanta Marayso”

0
472

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Madasha Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa waxa uu sheegay in dhibaatada ugu xun ee maanta dalka ka taagin ee ay dadku isku dilayaan inay tahay dhulka.

xxxxxx

Guddoomiyaha Madasha Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo shalay warbaahinta u waramay ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xuska maalinta dhagax tuurka dhalinyarada Somaliland oo shalay ku beegnayd, waxaanu tilmaamay in wixi loo dagaalamayey ee loo dhintay aan la helin, isla markaana dhalinyaradii bilaa shaqo tahay, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya "Waxa alaale waxa dhib ka dhaca dalkeena waa baloodh, baloodh baa loo dhintaa oo la isku dilaa, oo dad u dhintaa, ama Barkad meel laga qodayo ama Bali meel laga qodayo ayaa lagu dhintaa oo la isku dilaa, waxa aanu ognahay dhibaatada ka dhacday Kalshaale, ilaa maanta ayey socotaa oo ciidamadeenu heegan ugu jiraan, Diiriye Guuleed meel la yidhaahdo oo aanan arag muddo dheer ayey qaylo ka socotay, oo bali baa laga qodayaa iyo laga qodi maayo, maalin dhawayd waxa aan maqlaayey ceel garde, Dekad baa laga dhisayaa iyo laga dhisi maayo, waxaynu ogeyn shalay midnimadii jirtay halka ay maanta marayso, Siillayo intii aanu meesha qaban Seemaal meeshii la odhan jiray dad baa lagu laayey, lama bogsiin, waxa ku xigtay waddada dadkii lagu laayey, lama bogsiin, shalayna waxa aan maqlaayey iyada oo Warbaahinta ku jirta Salaadiin qoryo qaadatay iyo qolyo ka hadlaya oo leh dhul  baanu  difaacaynaa,Tiyaatarka wixii ka dhacay weynu ogeyn, arinta aan leeyahay waan ka baqdaa waa arinta Tiyaatarka lafteeda, Ciidagale dhexdooda ayaan ka baqdaa oo baloodh Masalaha ah ku yaala ayaa laba nin oo aad iigu qiimo badani ku dhinteen Cabdinaano iyo Galaal ayaa ku dhintay, oo la isku dhintay,maxay isku dileen baloodh, baloodhkii laba daraf ayaan ka noqday,qolo waxa ay ii aragtay in aan ahay reer Guuleed, waa qoladaa Abokar Muuse, Habeenkii waan ka baqaa, qoloda reer Guuleedna waxa ay ii arkeen in aan Ina Caydiid dhabarka saaray, maalin dhawayd ayaa nin igu yidhi Ina Caydiid inta uu jeelka ka soo baxayo meesha yaan la dhisin, inadeer haddii aad sharci u hayso anaguba waanu dhisiyee maad u kaadisid ayaan ku idhi waxay taasi keentay in aan ahay nin Abokor Muuse u hiilinaya, ama laalush ka qaata, qolodana waxa ay ii aragtay in aan ahay Nin reer Guuleed ah, labada qolaba col baa igu jira.

Haddaba  Shalay intaas midna kamaan maqlayn  oo dadkaasi imuu haysan, umaddii waxa la iskugu dilay oo ay iskugu dhimatay oo aynu maraynaa inaynu baloodh isku dilno, waxaynu isku haysaana oo aynu isku dilaynaa waa baloodh, cidii qaban lahayd meeday, cidii kala jihayn lahayd meeday,wax alaale wixii uu dalka ugu yimid Siillaayo oo waliba qaarkood wax laga saarayey arinta seemaal iyo Waddada oo lagu xanto Kulmiye oo la odhan jiray ina Rayaale ayey uga jeedeen, waxba kamay qaban oo Dawladdu kamay jawaabin, wax dambe ee dhacayna waxba kamay qaban ".

Dhanka kale Guddoomiyaha Madasha Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa amaan u soo jeediyey Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland waxaanu sheegay in tan iyo markii uu xilkan la wareegay ay wax badani hagaageen.

Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in Musuq-maasuqa iyo is daba marintu halkii ugu xumayd marayaan, waxaanu sheegay in si cadaalad ah aan shaqaalaha lagu xulan imtaxaana aan loo galin balse nin jeclaysi iyo weji lagu qoro Shaqaalaha.

Xasan Guure Jaamac ayaa waxa kale oo uu sheegay inuu dhex u  yahay Saddexda Xisbi Qaran waxaanu sheegay in ilaa hadda waxa uu ku kala xusho aanay jirin oo aanu xisbina la iman barnaamij qanciya.