Is Xog-waraysi Dhex Maray Guddoomiye Cirro Iyo Dhallinyarada Gobalka Awdal

0
582

Boorama(Geeska):-Kulan is-xogwaraysi ah sida oo kalena tallo-wadaag ah, ayaa habeen hore  ahaa hotel Rays ee Boorama ku dhex maray guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo dhallinyarada jaamacadaha iyo aqoonyahanka ku nool magaalada Boorama ee caasimadda gobalka Awdal.

IMG_0168

kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga WADDANI, ayaa waxa ka soo qeyb-galay guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ku xigeenkiisa, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, ardayda jaamacadaha, aqoonyahanka iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Waxaana kulankan oo ahaa mid furan isla mar ahaantaana ay labada dhinacba isku weydaarsanayeen wixii su’aalo iyo afkaar ah, ayaa ugu horeyn guddoomiye xigeenka, afhayeenka iyo xoghayaha garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga WADDANI oo halkaas ka hadlay ay ku soo bandhigeen siyaasadda ku uu xisbiga WADDANI u qaabeeyey siddii loo horumarin lahaa dhallinyarada, gaar ahaana doorkooda uu ku siiyey barnaamijka xisbiga WADDANI, iyaga oo carabka ku dhuftay in xisbiga WADDANI uu mudnaanta 1aad siinaayo horumarinta dhallinyarada iyo sida oo kale ka qeyb-qaadashada siyaasadda Somaliland.

Qaar ka mid ah dhallinyaraddii iyo aqoonyahankii sida bilan u soo buux dhaafiyey madasha oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ugu horeyn guddoomiye Cirro iyo guud ahaanba xibsiga WADDANI uga mahad-celiyey kulankan is-xogwaraysiga ah, iyaga oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in guddoomiye Cirro uu noqday mas’uulkii ugu horreeyey ee goob fagaare ah kala hadla aqoonyahanka ku nool magaalada Boorama, waxaana ay dhanka kalena ku weydiiyeen su’aalo la xidhiidha aayahooda mustaqbal oo khuseeya doorka dhallinyaradu ay ku yeelanayso xukuumadda WADDANI iyo sida oo kale qorshaha siyaasaddeed ee xisbiga WADDANI uu ugu tallo-galay dhallinyarada gobalka Awdal.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa ugu horeyn sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu kulan is-xoraysi la wadaago aqoonyahanka iyo dhallinyarada Boorama, waxaana uu si hufnaan ah uu gebi ahaanba uga jawaabay su’aalahii ay weydiiyeen isaga oo diiradda saaray ugana xog waramay qorshaha siyaasaddeed ee xisbiga WADDANI ugu tallo-galay dhiiri-gelinta iyo horumarinta dhallinyarada Somaliland, waxaana uu carabka ku dhuftay in dhallinyaradu ay qeyb muhiim ah ka tahay xukuumadda WADDANI, isaga oo carabka ku dhuftay in guud ahaanba ay qorshe habboon oo horumar ah ay u qaabeeyeen guud ahaan dhallinyarada kala gedisan ee ku kala nool dhammaanba goballada Somaliland.