Waxay Ahayd Habeen Cabsi Badan: Gabadh Uu Saddaam Xuseen Awoow U Ahaa Oo Ka Sheekaysay Saacadihii U Dambeeyey Ee Qoyskoodu Uu Ciraaq Ka Baxayey

0
666

Moosko (Geeska)- Gabadh uu awoow u ahaa madaxweynihii la dilay ee Ciraaq Saddaam Xuseen, ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay duruufihii ku xeernaa bixitaankii uu qoyska Saddaam Xuseen kaga baxsaday Ciraaq markii uu Maraykanku soo galay sannadkii 2003-da, iyada oo dhinca kalana sheegtay in illaa maanta oo muddo 15 ka badan laga joogo dhicistii xukunka awoowgeed, ay weli joogto u soo gaadhaan hanjabaado noloshooda khatar gelinayaa.

Waxa ay sheegtay in marka ay digniini jirto ay ku gartaan amarro uga yimaadda hay’adaha ammaanka oo lagu farayo in aanay guryaha ka bixin iyo in aanay sidii caadiga ahayd u wadan nolol maalmeedkooda. Waxa aanay caddaysay in digniinaha noocaas ahi ay si joogto ah ugu soo noqnoqdaan.

Gabadhan oo lagu magacaabo Xariiri Xuseen Kaamil ayaa soo saartay buug ay ku soo bandhigayso duruufihii adkaa ee qoyska soo maray qabsashadii Ciraaq kaddib iyo waayihii qoyska ee qabsashada ka hor, waxa ay u bixisay, ‘Gabadhii uu awoowga u ahaa Saddaam Xuseen”

Xariir Xuseen Kaamil oo 32 sano jir ah, hooyadeed ee Raqad Saddaam Xuseen oo ah inanta la aaminsan yahay in uu Saddaam Xuseen carruurtiisa ugu jeclaa. Waxa ay dhammaysatay kuliyadda dhaqaalaha iyo maaraynta ganacsiga ee jaamacadda Kanada ee dalka Urdun ku taalla.

Xariir oo isniintii 8 Abriil u warrantay wakaaladda wararka Ruushka Sputnik waxa ay sheegtay in markii ay ciidamada Maraykanku gudaha u soo galeen Ciraaq, ay qoyska oo dhami ka baxeen dalka. Waxa ay sheegtay in qaabka loo baxay ahaa in qof kastaa uu naftiisa iyo ubadkiisa dabbaro. Dhibaatada ugu weyn ee jirtayna ay ahayd in aanu qof keliya oo qoyska ka mid ahi lahayn baasaboor, arrintaas oo caqabad ku noqonaysay in ay sifo sharci ah dalka kaga baxaan.

Xariir Xuseen Kaamil waxa ay sheegtay in markii dambe ay dalka kaga baxeen waxa ay Carabtu u taqaanno ‘Marti gelin’ oo ah in dawladdu ay soo saarto waraaqo uu qofku ku soo geli karo dalkeeda. Laakiin waxa ay caddaysay in markii dambe la siiyey baasaboorro carbeed oo aanay sheegin dalka lahaa, iyo sida oo kale guri ay degaan iyo mushahar bil kasta qoyska u soo dhaca oo uu ku noolaan karo.

Xariir waxa ay sheegtay in xubnaha qoyska ee Ciraaq ka baxayey ay dhammaantood ahaayeen dumar iyo carruur, qofka ugu weyni kuray yahay. Xariir waxa ay sheegtay in illaa hadda uu biilkaas billaha ahi qoyska u socdo, marka laga reebo gabadha guursata ama qofka dalka dibaddiisa u safra si uu wax u soo barto. Iyada oo xustay in qaar badan oo ka mid ah carruurtii uu Saddaam Xuseen awoowga u ahaa ay waxbarasho ugu baxeen dalal ka baxsan Carabaha.

Xariir oo ka warramaysa habeenkii ay ka baxayeen Ciraaq waxa ay sheegtay in uu ahaa habeen aad u qaboow, gudcur badani jiro cabsi aad u xoogganina ku xeeran tahay. Waxa ay sheegtay in marka hore ay muddo ku hakadeen magaalada Mawsil. Laakiin si degdeg ah uga baxeen, kaddib markii si qarsoodi ah Maraykanka iyo xoogaggii la socday ee Ciraaqiyiinta loogu wargeliyey in labadii hablood ee Saddaam Xuseen oo ahaa Raqda iyo Ranaa iyo carruurtoodiiba ay joogaan magaaladan.

“Cabsi aanu ka qabnay in la waxyeelleeyo dadkii aanu martida u ahayn awgeed, ayaan annaga oo dumar iyo carruur keliya ah lug ku marnay ciidda bacaadka ah ee tuulan xuduudka u dhexeeya Ciraaq iyo suura. Waxa ay ahayd is miidaamin weyn, waayo haddii cidamada qalabak sida ee Suuriya ay ogaadaan in aagga ka agdhow dad joogaan, ay amar ku qabeen in ay rasaasta u furaan si aanay waxba u kala aabo yeelin” ayaa ay Xariir ku tidhi waraysigeeda.

Xariir waxa ay sheegtay in ay maalmo yar joogeen Suuriya, kaddibna ay martiqaad ka heleen dalka Urdun, oo ay u guureen, illaa haddana ku nool yihiin. Waxa ay sheegtay in dawladda Ingiriiska oo qudhiisu ka mid ahaa xulafada Maraykanka ee Ciraaq gashay uu qoysku markii uu Ciraaq ka baxay ay u soo bandhigtay in ay dalkeeda u qaaddo, shardiga keliya ee uu Ingiriisku ku xidhayna ay ahayd in aanay siyaasadda ka hadal. Kaas oo ah shardi ay dawlad kastaa xaaladahan oo kale sheegto.

Waraysi ay Xariir mar kale siisay talefishanka RT ee dalka Ruushka waxa ay ku sheegtay in hoggaamiyihii Kurdiyiinta ee Jalaal Daalibaani, oo markii dambe madaxweynaha Ciraaq noqday, uu markii ay ciidamada Maraykanku soo galeen Ciraaq, martiqaad u soo diray qoyska Saddaam Xuseen oo uu u sheegay in ay yimaaddaan gobalka Kurdistaan ee uu awoodda ku leeyahay, isaga oo u ballanqaadaya in ay isaga marti u ahaan doonaan, ammaankoodana sugi doono. Laakiin qoyska Saddaam Xuseen waa uu diiday martiqaadkaas waxa aanay sheegtay in aanay sababtu ahayn Shakhsiyadda Jalaal Daalibaani oo ay diidanayeen, balse ay ahayd cabsi ay ka qabeen dhinaca ammaankoda.

Mar kale Xariir Xuseen Kaamil waxa ay ka warrantay qaladaadkii uu awoowgeed Saddaam Xuseen galay intii uu talada hayey. Iyada oo sheegtay in qaladka ugu weyni ahaa ku tiirsanaantii uu qoyskiisa ku tiirsanaa, taladana wax ka siiyey. Xariir waxa ay sheegtay in taasi ay dhibaato soo gaadhsiisay qoyska iyo dadkii kale ee ka agdhowaa.

Xariir waxa ay sheegtay in dad badan oo Ciraaqiyiin ah ay dhibaato ka soo gaadhay habdhaqannada qaar ka mid ah xubnaha qoyska, gaar ahaan dadka dhibta geysan jiray ay u badnaayeen xubnaha aan qoyska ama ehelka koowaad ahayn.

Waxa ay sheegtay in cidda dhibta ugu badan magaca Saddaam Xuseen ku geysatay ay ahayd dadka ehelka ah laakiin aad aad ugu sii dhoweyn Saddaam. Waxa ay sheegtay in aanay u jeedin labadeeda abti ee Qusay iyo Cudday, iyada oo ninka dambe aad uga difaacday in uu isagu haba yaraato ee arrimaha oo dhanba wax ka ogaa, maadaama oo sida ay sheegtay aanu xil ka hayn dawladda, go’aamada siyaasiga ah iyo arrimaha gudaha ee dalkana aanu galangal u lahaan jirin.

Xariir waxa ay sheegtay in qoysku uu marar badan isku khilaafay talada ay tahay in la qaato, gaar ahaan markii dalka uu Maraykanku qabsaday. Waxa ay si aad ah uga warrantay khilaafkii aabaheed xuseen Kaamil iyo awoowgeed Saddaam xuseen. Sida la ogyahay Xuseen Kaamil oo xil sare ka hayey ciidamada gaar ahaan qaybta tiknoolajiyadda iyo nukliyeerka, iyo walaalkii oo isna qabay inanta kale ee Ina Saddaam ayaa intii uu Saddaam talinayey u goostay Urdun, laakiin muddo kaddib ayaa ay ku soo noqdeen cafis la sheegay in uu Saddaam Xuseen siiyey. Si kastaba ha ahaato ee markii ay dalka dib ugu soo noqdeen ayaa hawlgal ay fuliyeen jufada ay ka dhasheen oo dabcan ah isla jufada Saddaam oo adeerkood ahaa waxa ay weerar hubaysan ku qaadeen gurigii ay ku soo dageen oo ay ku dileen labadooda iyo aabahoodba.

Buuggan oo soo baxay dabayaaqadi isannadkii hore, waxaa si adag uga jawaabay cuqaasha iyo oday dhaqameedka jufada uu ka dhashay Saddaam Xuseen, oo sheegay in Xariir ay beeno badan ka sheegtay qoyska iyo awoowgeedba.

Jufada Aala Cabdalqafuur ayaa bayan ay soo saareen ku weeraray Xariir Xuseen Kaamil iyo buuggeeda, oo ay ku sheegeen been abuur iyo dhagar runta ka fog oo la ururiyey. Waxa ay sheegeen in Xariir ay dhinacna aabaheed iyo adeerkeeda la beri yeeshay khiyaamadii ay sameeyeen, haddana awoowgeed Saddaam iyo abtiyaasheed ay ka beri yeeshay dilkii aabaheed, arrimahaas oo ay sheegeen in aanay is qabanayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here