Waxaan Sweden Kula Kulmay Madaxa Afrika Ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda & U Qaybsanaha Arrimaha Soomaaliya..” Cirro

0
395

Sweden (Geeska) – Musharraxa Madaxweynaha ee xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo safar ku jooga Dalka Sweden, ayaa Shalay kulan la yeeshay Masuul ka mid ah Dawladda Sweden.

Musharraxa WADDANI iyo Weftiga la socda oo Safar ku maraya Dalalka Yurub, ayaa Caasimadda dalka Sweden kula kulmay Haweenayda Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Sweden u qaabilsan Afrika, taasi oo halkaa ku soo dhaweysay Weftiga.

Musharraxa Madaxweynaha WADDANI, ayay Haweenayda Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha dibedda Sweden Mss Sisiiliya waxay ka wada-hadleen Arrimaha doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay Somaliland ka dhacdo dabayaaqada sannadka dambe, haddii Alle Idmo.

Haweenaydan ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda Sweden, ayaa sheegtay inay waajib tahay in Somaliland sii xoojiso nidaamka Dimuqraadiyadda ah oo ah Waddo ay Shacabka Somaliland doorteen, sida doorashooyinka sida xorta ah uga dhaca Somaliland.

Musharraxa WADDANI oo kulankaasi ka dib, la hadlay Telefiishanka HCTV, ayaa ka warramay waxyaabihii ay ka wada-hadleen Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Sweden, waxaanu yidhi  “Waxaan la kulmay Madaxa Afrika ee Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo u qaybsanaha arrimaha Soomaaliya, waxaan kala hadlay arrimaha Somaliland guud ahaan oo ay ka mid tahay Abaaraha hadda jira inay gacan ka geystaan, inay gacan ka geystaan arrimaha doorashooyinka, doorashada Madaxtooyada JSL ee haddii Alle yidhaahdo sannadka dambe qabsoomi doonta, waxaan kala hadlay Kaalmada horumarka Somaliland.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office