“Waxaan Rajaynayaa Inaanay Difaaca Qaranku Marmarsiiyo U Noqonin Dib U Dhaca Diiwaangelinta Iyo Doorshada”

0
570

Picture5Burco(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka digay in difaaca qaranku uu marmarsiiyo u noqdo dib u dhaca doorashada iyo diiwaangelinta cod bixiyayaasha.Guddoomiye Cirro, oo shalay hadal ka jeediyay munaasibad uu kaga qayb galay magaalada Burco oo loo qabtay taageerayaal badan oo ku biiray xisbiga Waddani, wuxuu halkaas ku magacaabay xilal uu mid ka mid ah u magacaabay taliyihii hore ee sirdoonka qaranka General Maxamed Nuur. “Waxaan Si Diiran Ugu Soo Dhaweynayaa  Dhamaan Taageerayaasha Ku Soo Biiray Xisbiga Wadani Waxaan Leeyahay Xisbiga Wadani Waa Xisbi Wadaniya Waa Xisbiga Shacbiga Jamhuuriyada Somaliland  Waa Xisbiga Rajada Waa Xisbiga aan Isleeyahay Waxbadan Oo Ay Somaliland Tabayso Iyo Dhib Badan oo ay Tirsanahayso Intaba Wuu Ka Saari Karaa.” Ayuu yidhi md. Cirro oo tacsi u diray dadkii ku geeriyooday soo dhawayntii loo sameeyay.

Isagoo ka digaya dib u dhaca ku yimaada doorashada, wuxuu yidhi, “Waxaan rajaynayaa inaanay difaaca qaranku marmarsiiyo u noqonin dib u dhaca diiwaangelinta iyo doorshada.”

Md. Cirro, wuxuu sheegay inuu xoghayaha amniga ee xisbiga Waddani u magacaabay taliyihii hore ee sirdoonka qaranka Somaliland General Maxamed Nuur. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu guddoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga Waddani ee gobalka Togdheer u magacaabay Aamina Xasan Samatar.

Taageerayaasha xisbiga Waddani shalay ku biiray ayaa u badnaa dadweyne ka soo digo rogtay xisbiga KULMIYE, oo ka soo jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo.