“Waxaan Madaxweynaha U Sheegay In Dawladda Ingiriisku Isha Ku Hayso In Doorashadu Qabsoonto Oo Si Cadaalada U Dhacdo; Xisbiyaduna Si Xor Ah Ugu Tartamaan”

0
622

Hargeysa(Geeska)-Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire David Concar‏ ayaa sheegay in dawladda Ingiriisku isha ku hayso doorashooyinka Somaliland iyo qaabka ay u dhici doonaan, waxaanu madaxweyne Siilaanyo u sheegay in Ingiriisku eegayo qaabka doorashadu u dhici doonto iyo inay noqon doonto mid cadaaladeed.

Danjire Concar, wuxuu sheegay in haddii doorashooyinku ku dhacaan jawi wanaagsan oo xor iyo xalaal ah ay natiijadu kor u qaadi doonto  sumcadda Somaliland ee beesha caalamka. Danjiraha oo u waramay weriye Cabdishakuur Dayib oo ka tirsan HCTV, wuxuu sheegay in Ingiriisku yahay deeq bixiyaha ugu weyn ee maalgeliya sanduuqa horumarka Somaliland ee SDF.  “Doorashooyinka oo ah dhacdo muhiim ah oo Somaliland hortaala, waa albaabka ugu muhiimsan ee caalamku ka eegayaan Somaliland. Waxaan u sheegay madaxweynaha iyo wasiirka khaarajiga in dawladda Ingiriisku si aada isha  ugu hayso in doorashooyinkasi qabsoomaan oo si cadaalada u dhacaan xisbiyaduna si xor ah ugu tartamaan. Waxaan u sheegay madaxweynaha haddii Somaliland ku guulaysato doorashooyinkaas in taasi noqonayso fursad aad u muhiim ah oo soo jiidan karta indhaha beesha caalamka islamarkaana dardar gelin karta in caalamku bixiyo dhaqaale dheeraad ah oo lagu maalgelinayo dhismaha Somaliland.” ayuu yidhi safiirka Ingiriisku.

Mar la weydiiyay doorka Ingiriiska ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, wuxuu yidhi “Ingiriisku wuxuu muddo dheer saaxiib la ahaa Somaliland sidoo kale saaxiib ayaanu lanahay Somaliya, doorkayaguna wuxuu yahay inaanu u fidino gacan saaxiibtinimo, waanan jecelanahay inaan sii wadano saaxiibtinimada labada dhinac. Arrinta wada hadaladu waa mid adag, wada hadalo marna bilaabmaya marna joogsanaya, wada xaajoodka labada dhinac waxay ku xidhantahay rabitaanka siyasadeed iyo wadciga jira ee sahli kara inay miiska wada fadhiistaan.”

Wuxuu safiirku ku dhiirigeliyay Somaliland iyo Somaliya inay miiska wada fadhiistaan oo ka wada hadlaan arrimaha dhex yaala “Waxaanu isku dayaynaa doorashada Somaliland ka dib inaanu la hadalno Somaliland iyo Somaliya labadaba; beesha caalamkana xidhiidh kala samayno sidii wada hadalada dib loogu bilaabi lahaa. Wada hadaladaas oo ay noogu muuqato inay fursado ku jiraan, doorkayagu wuxuu noqon doonaa  inaanu garab taagnaano labada dhinac annagoo saaxiib la ah , waanan taageeri doonaa.”

Safiirka waxa la weydiiyay sababta Ingiriisku u taageeri waayay qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland maadaama oo uu jiro xidhiidh taariikhi ah oo ka dhexeeya Somalilan iyo Ingiriiska, wuxuu safiirku ku jawaabay “Siyaasadda ingiriisku ka taaganyahay qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland waa mid aan weli is bedelin, waa run ingriisku waa saaxiib iyo taageeraha ugu weyn ee Somaliland laakiin arrinta madaxbanaanida ku saabsani waa mid adag, waxaanay u baahantahay in Somalidu  ka wada hadlaan mustaqbalkooda. Dalalka deriska laftooda ayay tahay inay hoggaanka u qabtaan isbedel kasta oo gobalka ku imanaya.”