Wasiirka Macdanta Oo Ka Hadlay Noocyada Heshiisyada Ay La Galaan Shirkadaha Shidaal & Macdan Qodista

0
651

Picture3

Hargeysa(Geeska):-Wasiirka macdant iyo tamarta Somaliland Md:Xusseen Cabdi Ducaale ayaa faah faahin ka bixiyey nooca heshiisyada ah ee ay xukuumadu Siilaanyo la galaan shirkadaha shidaal baadhista iyo macdan qodista ka bilaabaya dalka,waxaana uu carabka ku dhuftay in heshiisyadaasi ay yihiin kuwo heer caalami ah oo ay wadamada Somaliland ka waawayni iyaguna la galaan shirkadaha shidaal baadhista.isaga oo sida oo kalena tibaaxay in heshiisyadaas aanay xukuumadu wax lacag ah oo aanay ku bixinayn oo khatar galin kara maaliyadeeda,balse ay shirkadahaasi iyaga uun ay khatar ku galayaan lacagtooda,isla mar ahaantana haddii ay dalka ka helaan shidaal la’la qaybsan doono haddii kale oo ay shidaal dalka ka waayaana ay iska tagayaan iyaga oo khasaaray lacagtoodii.

Md:Xusseen Cabdi Ducaale ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay ka hadlayey munaasibad lagu falanqaynaayey khayraadka dalka oo ka dhacday magaalada Hargeysa."Waxaan doonayaa runtii in aan halkan ka cadeeyo in heshiisyada aan galaynaa ay yihiin kuwo heer caalami aanu ku galno,waa heshiisyo sy dalalka inaga waawayni ay la galaan,heshiisyadaasi maaha heshiisyo ay dawladu wax lacaga ay ku darsanayso,oo aynu dhinacii maaliyada khatar ku galayno,waa wax iyaga maalgashigooda ay ku khatar galinayaan,oo hadday wax helaana aynu la qayb sanayno,hadday wax waayana ay halkaas ka baxayaan.Waxaanu ka hadalnay dakhliga aanu soo xaraynay ee naga soo galay Afarta sano iyo badhkaa,shirkadaha wax nala saxeexday ama kuwii hore ee aanu ka dhaxalnay dawladii hore ama kuwa cusub ee aanu heshiisyada la galnay”Ayuu yidhi Md:Xusseen Cabdi Ducaale.

Wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland Md:Xusseen Cabdi Ducaale,waxaa uu sida oo kale uu sheegay in ay heshiisyadaas ay xukuumadu la galayso shirkadaha shidaal baadhista ay yihiin kuwo uu dakhli fiicani ka soo xerooday mudadii ay xukuumada Siilaanyo talada dalka haysay,Isaga oo sida oo kalena tilmaamay in lacagaha ka soo xerooda ay si toos ah shirkadaha shidaal baadhistu ay ugu shubaan bangiga dhaxe ee Somaliland,iyada oo bangiga dhaxena uu ku wareejiyo wasaarada maaliyada.

“Heshiisyadaas aanu la galnay shirkad aad iyo aad aanu maanta u aragno in uu dakhli waafiya uu yahay Afarta sanadood iyo badhkaa aanu joognay oo aanu Afar Malyan iyo badh dollar lacag ku dhaw aanu dawlada u soo xaraynay dakhligaas oo waxyaabo badan oo khalada laga sheego oo la yidhaahdo waxbaa la cunay waxbaa la musuq maasuqay,waxbaa meel la dhigtay taas oo aanu u cadaynay dad weynaha in wax alla waxii dakhli ah ee shirkadaha badroolka ka yimaada aanay anaga na soo marin ee ay calaa duul ay u tagaan bangiga dhaxe ee Somaliland oo ay ku dhacaan,bangiga dhaxena uu u shubo wasaarada maaliyada,lacagayowgaas soo xeroodayna ay diiwaan leeyihiin,boqol jeerna aanu ku shaacinay warbaahinta”Ayuu yidhi Md:Xusseen Cabdi Ducaale.

Md:Xusseen Cabdi Ducaale waxaa uu ugu danbayntii uu sheegay in dhawaan dalka laga bilaabi doono macdan qodistii oo uu sheegay in ay shirkad Chines ah oo dawlada heshiis la gashay ay bilaabi doonto,waxaana uu rajo fiican ka muujiyey in dhawaan war fiican laga maqli doono macdan qodista dalka laga bilaabi doono.

“Waxaa Insha Allahu soo dhaw in macdan qodisahii dalka aynu dhakhso u bilowno oo shirkad Chines ah aanu la galnay,heshiiskoodiina uu golaha ka ansaxay,waxaana aanu runtii aad iyo aad aanu ugu rajo waynahay in bilaha soo socda aad warar fiican ka maqli doontaan in ay inoo bilaabmi doonto,macdan soo saarkii ugu horeeyey ee dalka”Ayuu yidhi wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland.