“Waxaan Ku Faraxsanahay In KULMIYE Iyo Waddani-Ba Ay Maanta Dadkoodii Dhibka Abaarta La Qaybsanayaan”

0
531

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa ka hadlay sababta keentay in Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye inuu safaradii ugu dambeeyey ee uu Madaxweynuhu u baxay Wadamada Dubai, Ingiriiska iyo Itoobiya uu u raacay, iyo waliba safarkiisa hadda.

1

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo ugu horayn ka hadlaya arrintan wuxuu yidhi  “Waa dhab in Guddoomiyaha Kulmiye Muddane Muuse Biixi Cabdi, oo ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye inuu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Safarada uu ku tagay Wadamada Ingiriiska, Dubai iyo Itoobiya, wax dhib ah oo ku jirtaana ma jirto, sababto ah Guddoomiyaha Kulmiye, isaga ayaa hadda ah Musharax Madaxweyne, oo Golaha Dhexe ayaa doortay, cod aqbaliyad ahna waa lagu doortay, Madaxweynuhuna madaama uu tanaasulay, kana tasuulay inuu isa soo sharaxo mar kale, inuu safaradiisa la socdo Guddoomiye Muuse Biixi waa iska caadi, sharci darana maaha, oo waa kuwaas maantana safarka ku wada jira”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko inuu Cabdicasiis Samaale dib ugu soo laabto Xisbiga ayaa ku jawaabay “Cabdicasiis Samaale marnaba kamuu tagin XIsbiga Kulmiye, cadho yar baa dhacday, cadhadiina waa laga heshiiyey, isaga iyo Muuse Biixina wey heshiyeen, waxaanu ka mid yahay masuuliyiinta Xisbiga, markaas waxaan aad ugu faraxsan nahay in maanta mid la yahay, oo Xisbiga Kulmiye isku duuban yahay”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye mar aanu wax ka weydiinay waxa ka jira in socdaalka Madaxweynuhu yahay mid loogu ololaynayo Xisbiga Kulmiye iyo Muuse Biixi ayaa ku jawaabay “Maanta olole iyo cod na siiya ma taagna, waa xiili adag oo dadkeenu u baahan yihiin in loo gurmado, oo abaar daran baa jirta,in dadka loo gurmado, oo wax la taro ayaa inagu wada waajib ah,madaama ay dadkeenii yihiin, waxaana ku faraxsan yahay in Maanta Waddani iyo Kulmiyeba ka gilgisheen xaalada ay ku sugan yihiin dadkoodii abaaruhu hayaan, oo u gurmanayaan,  wax tarayaan,  dhibka la qaybsanayaan,markaas maaha in socdaalka Madaxweynaha iyo waliba socdaalka Xisbiga Waddani midna lagu sifeeyo olole, ee waa in la sii dhiirigeliyaa.”