Sheekh Cismaan-Laangadhe Oo Ka Digay Dhaqan-xumo Kala Duwan Oo Dalka Ku Soo Kordhaysa

0
613

Hargeysa (Geeska)-Sheekh Cismaan Cali Xuseen (Sheekh Cismaan laangadhe), oo ka mid ah Culmiada dalka ugu waaweyn ayaa ka hadlay dhaqan xumo diinteena suuban ee Islaamka lid ku ah oo muddooyinkii ugu dambeeyey dalka ku soo kordhayey, waxaanu ka digay dhaqan xumadaas oo sii siyaada.

1

Sheekh Cismaan Cali Xuseen (Sheekh Cismaan laangadhe), Guddoomiyaha wanaag farista iyo xumaan reebista Sheekh Cabdiraxmaan Cabdale iyo Xildhibaan Maxamed Xareed Rooble, oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida, ahna Guddoomiyaha Guddida Shuruucda iyo Garsoorkaha ee Guurtida oo Wargeyska Geeska Afrika uga waramay arimahan ayaa ugu horeyn Sheekh Cismaan Cali Xuseen (Sheekh Cismaan laangadhe), wuxuu  yidhi “ILLAAHAY dhalinyaradeena khayr ha siiyo, ha is hagaajiyaan, oo ha ka feejignaadaan wixii lagu khaldi karo, ee diinta Islaamku aanay raali ka ahayn, Nabigeenu SCW wuxuu sheegay in qofkii qoom isku shabahaa inuu la mid yahay, haddii aynu cid ku dayanayno waa inaynu ku dayanaa Rasuulka SCW, oo sunihiisa qaadaana, markaas Dhalinyaradu waa inay is hagaajiyaan, gaar ahaan Inamadu waa inay timahooda aanay kala dheeraysiin, ee ay u xiirtaan sida ay Diintu ogoshahay, dhar hagaagsana waa inay xidhaan, Habluhuna waa inay mar walba is astuuraan, oo aanay xidhan dhar jidhkooda muujinaya, warbaahintan dalkana waxaan kula talinayaa inay iyana dhankooda wacyigelinta dhalinyarada ka qayb qaatan, si aan loo khaldin dhalinyarada”

Sheekh Cismaan Laangadhe mar uu ka hadlaayey Hablaha iyo Inamada ciyaara hidaha iyo dhaqanka ayaa yidhi “Asalkaba wax walba oo diinta ka hor imanaya, wax banaan maaha, waxyaabo iska dhaqan ahaa oo khalad ah ayaa jiray, oo ay ka mid yihiin  aanada qabiilka, xoolo kala dhicisa, hido iyo dhaqanka waxan lagu sheego, ee aan baryahan ka arko Telefiishanada ee Hablaha iyo Inamadu wada ciyarayaan, waa wax fool xun oo aan wanaagsanayn, mar walba wixii dhaqanka ah waxa laga qaadanaya waxay diintu ogoshay, wixii aanay ogolayna waa laga tagaya, diintuna ma ogola in hablaha iyo inamadu is dhex galaan, inay wada ciyaarana hadalkeedaba daa, waxaana waalidka leeyahay mar walba tarbiyada iyo akhlaaqda caruurtiina ku dadaala”.

Sheekh Cismaan Cali Xuseen (Sheekh Cismaan laangadhe), mar uu ka hadlaayey Abaarta ayaa yidhi “Abaartu waa masiibo ka dhalata macaasida dadka, xigmada ku jirtana waa in la toobad keeno, oo ILLAAHAY  loo soo noqdo, oo dambi dhaaf la weydiisto,lagana dheerado fusuqa iyo xumaanta”.

Guddoomiyaha wanaag farista iyo xumaan reebista Sheekh Cabdiraxmaan Cabdale arrintan ka hadlaya ayaa yidhi  “Anagu haddii aanu nahay wanaag farista iyo xumaan reebista mar walba waanu wacyigelinaa Dhalinyarada, oo waxaanu ka wacdinaa inay ka fogadaana ama ka dheeradaan xumaanta,waxaanu ku waanina in dariiqa toosan raacaan, oo ay xidhaan dhar asturan, timahana u xiirtaan si caadiya, xitaa waanu la xidhiidhnay dawaarlayaasha, waxayna noo sheegeen in inta badan dhalinyaradu ay ka codsato qaabka ay ugu tolayaan, Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftuna go’aamo ayey ka soo saartay, laakiin anaga mar walba waajibkayga waanu ka gudanaa, oo waanu waaninaa, waana sii wadaynaa wacdiga, waxaana guud ahaan Hablaha iyo Inamadaba leeyahay aynu ka dheerano xumaanta, oo yeynaan shaydaan raali gelin ee aynu ALLE raaligelino”.

Xildhibaan Maxamed Xareed Rooble oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Markaad marayso magaalada waxaad arkaysaa dhalinyaro dhaqankoodii badashay, oo timahoodii si aad ka naxayso u xiiray, oo dharka ay xidhan yihiin aad iskugu dhajiyey, markaas waxa weeye in Dhalinyarada aad loo waaniyo, oo Culimadu aad u waaniso, oo Xukuumaddu doorkeedii ka qaadato, haddii aanu nahay Golaha Guurtidana doorkayaga waanu ka qaadan doonaa, waxaana weeye in lala xisaabtamo Rayiislayaasha  iyo Dawaarlayaasha, waxaana weeye in lagula talinayo in si aan dhalinyarada dhaqan xumo u horseedin, ee ay dharka si fiican ugu tolayaan, timahana si fiican ugu xiiran”