“Waxaan Ku Baaqayaa In Laga Taxadiro Shuban Biyoodka”Jaamac-shabeel

0
707

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel),ayaa ka hadlay shuban biyoodka ka dilaacay Magaalada  Burco, ee keenay inay dad u dhintaan.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Dhawr qof baa ku geeriyooday Magaalada Burco, dhawrkaas qof waxay u geeriyoodeen shuban biyood, waxaan ALLE uga baryeyaa inuu janadii ka waraabiyo, dadka u jiifana, waxaan ALLE uga baryayaa inuu siiyo Caafimaad, waxaana Xukuumadda iyo Wasaaradda Caafimaadkana leeyahay dadaalkiina sii kordhiya, oo ku dadaala sidii aad ula tacaali lahaydeen cudurkan iyo sidii meesha looga saari lahaa si aanu u sii fidin, dadkana waxaan leeyahay aad isku ilaaliya, oo ka taxadira, oo wax walba oo awoodina ah oo aad kaga hor tagi kartaan kaga hor taga, oo nadaafiina ilaaliya”.