Wasiirka Caafimaadka Oo Farriin Qalbi Qaboojin Ah U Diray Dadka Burco

0
635

Burco(Geeska)-Wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa daboolka ka qaaday inay la dagaalamayaan shubanbiyoodka ka dilaacay magaalada Burco.

Waxa uu wasiirku sheegay inay 16 goobood oo ka horeeyay Burco ay kula dagaalameen xanuunka shubanbiyoodka isla markaasna ay ka cidhibtireen. waxaanu arimahan kaga hadlay gudaha magaalada Burco, wasiirka oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi "Xanuunkani waxa uu ka mid yahay xanuunadii ay keentay abaartu, waxa ku soo biiray oo ku ladhan shubanka caadiga ah ee yimaada wakhti kasta oo uu roob dalkan ka da'o haba u badnaado caruurta shanta sano ka yare, wasaarada caafimaadku iyada oo kaashanaysa guud ahaan xukuumada iyo shacab weynaha Somaliland ilaa bishii sideedaad ee sanadkii hore oo uu ka bilowday Wajaale way la soo dagaalamaysay xanuunkan maalinba meel ayuu ka curanaayay oo uu ka dhalanaayay, meesha uu ka dhashona waanu ugu tagaynay oo ka guulaysanaynay alle ayaa mahad leh'e, 16 goobood oo Burco ka horeeyay ayaanu ku dagaalnay oo waanu ka guulaysanay, Burco ayuu naga soo galay alle idinkii Burcona waanu ka saaraynaa, sagaalkun boqol iyo dheeraad ayaanu ku guulaysanay inaan ka kicino intay u soo dhaceen, alle ayaa mahad leh ee dhimashaduna aad ayay u yartahay, dhib weyn ma jiro khibrad aad u badan ayaanuna u leenahay xakamayntiisa iyo cidhibtirkiisaba."

Burco ayaa haatan ku jirta xaalad degdeg ah waxaana wasaarada caafimaadka iyo haayado caalami ahba ay la tacaalayaan shuban biyoodkan oo dad badan soo ritay.