“Waxaan Ku Baaqayaa In Laga Hawlgalo Daminta Colaad Ka Aloosan Banka Qoolcaday” Murashax Maxamed Xasan Xaashi (Finad)

0
447

Hargeysa(Geeska)-Dr. Maxamed Xasan Xaashi (Finad) oo ah murashax u taagan doorashooyinka golaha wakiilada ee gobalka Maroodi-jeex, ayaa ku baaqay in laga hawlgalo sidii loo joojin lahaa colaad ka aloosan banka qoolcaday.

maxamed xasan

Warsaxaafadeed uu xalay soo saaray Maxamed Xasan Xaashi, ayaa wuxuu u dhignaa sidan “Aniga oo aha maxamed xasan finad waxaan baaq ka soo jeedinaya banka qoolcaday oon kormeer u kuur gelid ah ku soo maray halkaas oo ay iiga muuqatay dhiilo colaadeed ku saabsan sadex qolo, qolo banka xidhaysa iyo qolo difaacaysa si aan loo xidhin oo weliba dagaal ka xiga xidhista banka iyo qolada maalgaliyayaasha ah, banka qoolcaday waa ban xoolo dhaqato ah, dadka deegankuna uma arkaan xidhistu inay faaiido ugu jirto dadka xidhayaana waxaa u muuqda faaiido dad iyo xoolaba laga faaidi karo, hadaba waxaan leeyey shinbir qoor qabad kuma cabtee arinta dhulka hala dhigo oo ha laysla fahmo faaiido iyo khasaare.

bankana waxaa lagu xidhi karaa dadka deeganka oo ka raali noqda sidaa daraadeed hadaan si dhakhso ah tanaasul loo helin waxaa ka soo muuqda khatar weyn. Waxaan kaloo ku  baaqaya dhamaan gobolka Maroodi jeex gaar ahaan deeganka salaxlay in ay u diyaar garooban 

is diiwan gelinta kaadhka doorashada ee inagu soo foole dhawaaan.”