Laba Qof Oo U Shaqaynayay Qaramada Midoobay Oo Shalay Muqdisho Lagu Toogtay

0
529

Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Laba qof oo u shaqaynayay hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa shalay gelinkii dambe lagu dilay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya. Dablay hubaysan oo wadatay gaadhi ayaa rasaas ku furay gaadhi ay saarnaayeen labada qof oo ay mid ka mid ahayd gabadh. Rasaasta ayaa lagu dilay labada ruux oo kala ahaa Aamina Maxamed Nuur iyo Cabdirisaaq Aadan Cadaawe. Haweenayda ayaa u shaqaynaysay UNHCR halka uu wiilkuna u shaqaynayay urur Muqdisho ka dhisan.

wwwww

Kooxdii weerarka gaysatay ayaa ka baxsatay goobtii dilku ka dhacay oo ahaa jid mashquul badan.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa ah mid aan la isku halayn karin, waxaana hadhka cad la isku toogtaa badhtamaha magaalada.