Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Kulan Kooban Oo Uu La Yeeshay Madaxweynaha Somaliya Oo Ay Bulshadu Su’aalo Iska Weydiisay

3
4282

inia caliLondon(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay kulan salaan ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay isku arkeen magaalada Birmingham

 ee wadanka Ingiriiska.

Labada masuul Faysal iyo Xasan Sheekh, ayaa kulankoodaas oo ahaa mid kooban, waxa laga soo qaaday sawiro uu ka muuqdo Faysal Cali Waraabe oo sheeko la wadaagaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka khaarajiga ahna raysalwasaare xigeenka Somaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, waxaanay muuqaaladan iyo kulankaasi uu dood ka dhex abuuray shacabka Somaliland oo su’aalo badan isweydiiyay. Haddaba wargeyska Geeska Afrika, wuxuu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhay guddoomiye Faysal Cali Waraabe, si uu wax uga weydiiyo ujeedada kulankaas, waxaanu Faysal sheegay inuu kulanku ahaa mid kooban oo si kedis ah u dhacay balse aanay wax siyaasad ah kaga wada hadal ee uu ahaa kulan salaan  keliya ku koobnaa. “Waxba kamaanu wada hadal ee wuxuu ahaa kulan salaan ah oo laba goobood oo isku dhow ayuu isna dadkiisa kula hadlayay ana aan dadkayga Somaliland kula hadlayay, markaas kulan salaan ah ayaanu yeelanay, kamanaanu wada hadal wax siyaasad la xidhiidha.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Faysal, wuxuu intaas raaciyay inuu Madaxweynaha Somaliya iyo wasiirkiisa khaarajiga ku tuur-tuuray weedho kaftan ah oo ay iyaguna ka jawaab celiyeen, “Waxaan ku idhi shirkiinii Ingiriiska ka warama. Dabadeedna waxay yidhaahdeen si fiican ayuu noogu dhacay ee intiinii [Somaliland] ayuun baa naga maqnayd.”

Isagoo Faysal hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi, “Dabadeedna waxaan ku idhi malaha haddii aanu idiin iman lahayn waxaad heli lahaydeen boolkii aad ku duuli lahaydeen. Waxaan ku idhi Ingiriiska ayaa khalad sameeyay oo idinka oo qudha shirka idin kala tashaday halka aanu annaga waxba na weydiin”

Faysal Cali Waraabe, wuxuu sheegay inuu dadkii reer Somaliya ee halkaas ku sugnaa ay u balan qaadeen inay ka qayb geli doonaan munaasibadaha kala duwan ee loogu dabaal degayo sannad guurada 22aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.

Comments are closed.