“Waxaan Iska Casilay Xubinimadii Golaha Dhexe iyo Xisbiga KULMIYE-ba”Aadan Ciise Maxamed

0
726

Anigoo ah Aadan Ciise Maxamed oo ka tirsanaa xisbiga KULMIYE, golihiisa dhexe numberkayguna yahay No 75, waxaan cadaynayaa inaan iska casilay xubinimadii xisbiga ee golaha dhexe iyo ka sii mid ahaanshihiiisaba, annigoo markii hore ka mid ahaa urur siyaasadeedkii Rays ahaana xoghayaha maaliyada taas oo uu heshiiskii uu KULMIYE nala galay aanay waxba ka fulin.

12540282_1261873470496077_227052852_n

Haddaba waxaan u sheegayaa beesha Sanbuur inay buuxsato xubinimadii mar haddii lagu soo galay golaha dhexe hab beeleed oo ay xaqu leeyihiin, iyadoo beesha la siiyay afar xubnood oo mid ka mid ah uu ku fadhiyo Axmed Nuur Faahiye, wasiirul dawlaha wasaarada waxbarashada oo ku jiray shirguddoonkii shirweynaha.