Xildhibaano Guurti Ah Oo Ka Hadlay Diiwaangelinta Bilaabantay

0
640

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida ayaa ka hadlay Diiwaangelintii shalay ka bilaabatay Gobolka Togdheer, iyo wakhtiiga loo cayimay Gobolkaas, waxayna sheegeen inay jiraan dad badan oo xuduuda ka talawsan wakhtiga loo qabtayna lagu diiwanagelin karin, loona baahan yahay in loo kordhiyo muddada.

Capture

Xildhibaanadan oo Shalay Shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Goaha Guurtida ayaa sidoo kale waxa ay fariin u direen Komishanka doorashada oo ay uga baaqeen inay ku dadaalan sidii ay dadka ugu cadaalad sameeyn lahaayeen.  Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiyey (Axmed Gacan), oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlaly ayaa yidhi “Waatan Diiwaangelintii biaamatay, Gobolka Burco bayna ka bilaamatay, walibana Gobolka oo dhan maaha waa inta ay Degmada Burco xukunto, dadkii Somaliland wuu talawsan yahay maanta, abaar baa dalka ka dhacday, waxa aan anigu Hargeysa ka baxay bishii hore ee dhammaatay siddeedii, 29-keediina waan ku soo noqday, mar labaad baan baxay, intaas indho indhayn baan ahaa, marka aad xuduuda ka talawdo, oo waliba in badan ka talawdo, ayaad arkaysaa umad badan oo degan oo awal deegaan aan ku ahaan jirin,waxa aan ku arkay reer Saylac, Booramana waan ku arkay, Baligubadlena waan ku arkay, Faraweyne-na waan ku arkay, wax alaale wixii Galbeed inaga xigay ee kor degi jiray, halkaas bay isku wada tageen, waxaana la yidhi waa Todoba cisho xuduudku, dadkuna xuduudka wuu ka talawsan yahay, marka horena xuduudka sanaaduuqda la dhigaa way yarayd, oo wey koobnayd, marka Doorashooyinkii hore laga soo qaado,marka hore waxa la yidhi waa afar iyo toban cisho, Degmada Burco, todoba cisho baa laga dhigay, marka aan su’aalay qaar Madax ah waxa ay yidhaahdeen Degmooyinka dib baa loogu dhigi doona Sanaaduqda, meel ay umaddii oo dhami iskaga tagtay oo ay tallawsan tahay, oo ay Itoobiya u talawday todoba cisho kuma filaan karto,dadka muwaadiniinta ahna in Doorashadooda ama Codkooda la duudsiiya xaaran bay ku tahay Dastuurka iyo Sharciga dalka, bilaadanimadana ku tahay”.

Xildhibaan Axmed Gacan ayaa mar uu la hadlaayey Komishanka yidhi “Komishanka waxa aan leeyahay cadaalad umadda u sameeya, oo cadaalada qaar suga noqda,Umaddu waxa ay u baahan tahay cadaalad,Doorashana dalku uu baahan yahay, oo maanta Doorashadu waa wax muhiim ah, oo umaddeena u ah, dalkeena u ah, dadnimadeena u ah, inaynu wax gaadhno u ah, markaas taas cadaalad ha loo sameeyo”

Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur, Xildhibaan Cumar Nuur iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Shaadh oo iyana Shirkaas jaraa’iid ka hadlay ayaa sheegay in dadka dega Gobolada Barri ay yihiin dad reer guuraya,loona baahan yahay in wakhtiga loo cayimay Diiwanagelinta in looga kordhiyo, waxa kale oo ay sheegeen kuna baaqeen in aad looga taxadiro Diiwaangelinta, iyaga oo tilmaamay in qalabka wax lagu diiwaangelinayaa ay wax walba ku iman karaan, maalintiina laga yaabo in dad kooban la diiwaangeliyo.