Gudoomiye Baashe Oo Sheegay Inaanay Wakiiladu Ansixin Doonin Waxaanay Shareecadu Ogolayn

0
584

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka hadlay xeerka banaanka ee muranka dhaliyey ee Golahooda horyaala, waxaanu sheegay inay Culimada iska arkeen, isla markaana aan la ansixin doonin xeer walba oo ka soo horjeeda Shareecada Islaamka  iyo Dastuurka Somaliland.

1

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, oo Shalay Warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay fasax laba bilood oo ay galeen Golaha Wakiiladu, faragelinta Cali Khaliif iyo Dawladda Somaliya ku hayaan Somaliland, iyo Diiwanagelinta, waxaanu yidhi  “Goluhu waxa uu galay fasax, laba bilood oo fasax ah ayuu galay,fasaxahaygii caadiga ahaa waxa nooga hadhsanaa Wiig, waxa bilaabatay Diiwaangelintii, Xildhibaanadii badankoodii waxa ay ku maqan yihiin Diiwaangelintii Togdheer, waxa kale oo jira in aanu doonayno in Gobolada Barri u dirno Xildhibaanadii ka soo baxay Sool iyo Sanaag, oo ay ka dhiciyaan dadka inay Diiwaangelinta qaataan, oo ay faa’iido u tahay, marka siddeed cisho baanu soo horumarninay, markaas sidaas ayaanu ku galay fasaxaygii caadiga ahaa”.

Guddoomiye ku xigeenka mar wax laga weydiiyey sida uu arko Cali Khaliif Galaydh iyo fara gelinta uu ku hayo Gobolada Barri ee Somaliland ayaa ku jawaabay sidan “Waad maqasheen meeshaas buu joogay oo waa laga saaray, Ciidamada Somaliland xaq bay u leeyihiin inay tagaan meel kasta oo Somaliland,markaas dalkeenii bay tageen oo sidaas bay u tageen”.

 Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada oo sidoo kale waxa laga weydiiyey faragelinta ay Dawladda Somaliya ku hayso Somaliland ayaa ku jawaabay “Wada hadaladii hore bay ku jirtay, heshiisyo badan baa laga galay, Xasan Sheekh inuu arimaha Somaliland soo fara galiyo maaha, inana inaynu kooga faragelino maaha, laba dawladood oo daris ah ayeynu nahay, marka waxa ku jirta inaynu is xaq  dhawrno oo aynu iska ilaalino wixii dhibaato keenaya, dawlad kasta waa la faragelin karaa, waa wax hawl yar, marka waxa ay ku fiican tahay haddii uu ku jiro inuu ka baxo”.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada oo wax laga weydiiyey Xeerka Banaanka ee muranka dhaliyey ee Golahooda hor yaala ayaa yidhi “Xeerkani muddo badan buu Golaha dhex yaalay,markii laga dooday waxa loo saaray Guddi, Guddidii waxay la tashatay Culimada,Culimada bay wada hadleen, badheedhahoodu bay Culimadu ka soo dhiibatay,Culimadana waanu is aragnay, waxa qudha ee laga wada hadlaayey waxa weeye waxa Shareecada iyo Dastuurka Somaliland ka soo horjeeda cid sameeyn kartaa ma jirto, Culimadana waanu wada hadlay, Shacabka Somaliland waxa aan u sheegaya in wixii Diinta iyo Dastuurka ka hor imanaya in aanu Golahani marna ku talaabsanaynin, doodii waad ogeydeen maalintii dhawayd, oo Guddidu waxa ay keentay wixii ay Culimada ku soo wada hadleen,waana laga akhriyey, haddana Golihii fasax buu galay muddo ayaanu haysanaa, intaana wada tashi balaadhan ayaanu ka galaynaa, wax kasta oo Somaliland ahna wada tashi baa laga galaa, markaas cid kasta oo fikrad ka dhiibanaysa diyaar baanu uu nahay”