“Waxaan Hambalyo U Dirayaa Madaxwenaha Cusub”

0
1228

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Washington

Aniga oo ah Gudoomiyah Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Washington waxaan hanbalyeynayaa madaxweyha Cusub ee jamuhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo dhamaan Shacbiweynah Somaliland oo aan leyahay Guusha Muuse biixi Cabdi waa Guul u soo hoyatay Dhamaan Umada reer Somaliland, waa madaxweyne somaliland oo dhami dooratay, waxanan Rajaynayaa in uu Noqdo madaxweyne waxa badan ku soo kordhin doona qaranka iyo wadankaba, waxaanan leeyahay madaxweyne Muuse biixi, Ilaaay hakugu garab galo Xilka Culus ee aad umada u qabatay,
Waxa kale oo aan leeyahay madaxweynaha Cusub ee Somaliland Mudane Muuse biixi Cabdi waxa aanu kugu dooranay oo aanu kaa sugaynaa inaad umada aad cadaalad ugu shaqayso oo aad Somaliland aad ka saarto dhibaatooyinka farah badan ee wadanka haysta
Oo ay ka mid yihiin
1,dhibaatada ictiraaf la,aanta ee ragaadisay qaranka,
2,Dhibaatada Qabyaalada oo ah Aafo Umada haysata,
3, Durufaha Shaqo la,aaned ee dadkeena maanta haysta
4,iyo in aad ka fikirto sidii aad waxa uga qaban lahayd abaaraha soo noqnoqda ee dalkeena ka taagan
Shacabiga Somaliland waxaa ka codsanayaa in ay la shaqeeyaan madaxweynaha Qaranak ee ay gacantooda kusoo Doorteen, somaliland waa guul u soo hoyatay Doorashadaa nabad galayada ku dhacaday waxaanay inagu soo jeedisay aduunyadi oo la yaaban Wadankan yare ee waxa aan afrika suura gal ka ahayn sameeyey
Doorashadani waa wadadii aaynu umari lahayn Ictiraafkeena oo aduunayada ayeynu ka iibinayna waxa aynu samaynay oo ah Doorashadaa cajiibka ah ee aan aduunyada Naadirka ku ah
Mustafe X, Daahir Bidhaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here