Wasiiradda Cadaalada Iyo Arrimaha Guddaha Oo Hambalyo Iyo Duco U Diray Madaxweynaha Cusub Ee La Doortay

31
3874


Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Axmed Faarax Cadare iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland si rasmiya u yeelatay, oo shalay si rasmiya loogu dhawaaqay natiijada Doorashada oo ay ku guulaysteen Muuse Biixi Cabdi oo noqday Madaxweynihii shanaad ee Somaliland, halka uu Madaxweyne ku xigeenkuna uu ku guulaystay Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil (Saylici), waxayna hambalyo, bogaadin iyo duco u direen labadan masuul, oo ALLE uga baryeen inuu xilkan ku asturo.
Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Axmed Faarax Cadare iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Axmed Faarax Cadare uu yidhi “Waxaan ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Shacabka reer Somaliland iyo Saddexda Xisbi Qaran, waxaana ugu hambalyeynayaa sidii wacnayd, ee loo wada bogay ee Doorashadu inoogu dhacday, waxaan kale oo aan u mahadnaqayaa Komishanka Doorashooyinka, oo iyana shaqo aad u adag qabtay, si adagna u shaqeeyey, waxaan hambalyeynayaa dhammaan Taageerayaashii kala duwanaa ee Xisbiyada, waxa kale oo aan hambalyeynayaa Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi, iyo Madaxweyne ku xigeenka Muddane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo isna mar kale dib loo doortay, waxaana leeyahay hambalyo, hambalyo, hambalyo, xilkaas culus iyo masuuliyadaasna ALLE ha idinku asturo, waxaana Madaxweynaha la doortay, ugu duceeynayaa inuu ALLE xilka ku asturo, haddii uu markii hore ahaa Guddoomiye Xisbi, hadda waa Madaxweyne Qaran, oo Somaliland oo dhan buu Madaxweyne ka yahay, waxaana ku rajo weynahay oo hubaal ah inuu si cadaalada ah dalka iyo dadka ugu adeegayo”.
Wasiir Cadare mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha xilka ka dagaaya ayaa yidhi “Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), muddadii uu xilka hayey dalka wax badan buu ka qabtay, horumarna uu gaadhsiiyey, waxaana ugu duceeynayaa cimri dherer, taariikhda Somaliland baal dahab ah ayuu kaga jira”.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo isna ka hadlay natiijada Doorashada ayaa yidhi “Dhammaan Shacabka reer Somaliland oo dhami wey wada guulaysteen, Doorashadiina si aad u qiimo badan bay inoogu qabsoontay, Caalamkuna uu inoogu hambalyey, mar haddii tartan yimaadana, tartanka cid baa guulaysta, laakiin waxa xaqiiqo ah inaynu guushaas wada leenahay, haddii Musharixiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Kulmiye Muddane Muuse Biixi Cabdi iyo Muddane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Doorashadii ku guulaysteen, oo ay noqdeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeena shanta sanno ee soo socda dalka hogaamin doona, waxaan leeyahay hambalyo, masuuliyadaas ay umadda u qaadeena ILLAAHAY ha ku garab galo, oo ha ku asturo, waxaan kale oo aan aad ugu mahadnaqayaa Komishanka, Xisbiyada iyo Umadda reer Somaliland”.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha, mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha hadda taladda ka sii dagaya ayaa yidhi “Madaxweyne Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), wax badan buu dalka iyo dadkaba u qabtay, muddadii uu dalka Madaxweynaha ka ahaa, waana ugu mahadnaqayaa wax qabadka muuqda ee la taaban karo ee uu dalka ka qabtay, Madaxweynaha la doortayna halkaas ayuu ka sii anba qaadaya wax qabadka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here