“Waxaan Arkayay Rag Leh Dagaalka Dhex Kama Nihin. Ma Ogin Goor Uu Dalkeenu Qaatay Dagaal Aan Dalkeena Loo Dagaalamayn ”

0
716

Hargeysa(Geeska)-Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa soo jeediyay in la joojiyo in saldhig milatari dawladda Imaaraadka Carabta laga siiyo madaarka Berbera.

1

Hoggaamiye Xirsi oo shalay u waramay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Star TV, wuxuu soo jeediyay inaan balaayo loo yeedhan oo aan Somaliland si fudud loo gelin dagaal. “Waxay u muuqataa in milatari baa la keenayaa la yidhaahdo ay halis badan dalkeena gelinayso, dunida ciidan qori sita oon dalkaaga u dhalan looma yeedho, oonad garanayn dawlad aad awoodeeda garanayso ood iska celin karto, oo sharciyan aan lagu ictiraafsanayn oonad lahayn ilaalin caalami ah, maadaama oon lagu aqoonsanayn.” ayuu yidhi Xirsi oo intaas raaciyay “Gobalkan wakhtigan xaadirka ah ka oogantahay dhibaatada ee Yemen, inaan wakhtigan aynu u yeedhano mushkilad oo dagaal aan inoo dhawayn u baaqnaa. Waxaan arkayay rag leh dagaalka dhex kama nihin ee dhinac baan ka nahay, ma ogin anigu goor uu dalkeenu qaatay inaynu dagaal aan dalkeena loo dagaalamayn galno, umana arko wakhtigan xaadirka ah maslaxadii umadda inaynu dagaal ka baxaya meel u baaqno, dan dagaal loogu baaqo ma arko.”

Wuxuu Xirsi sheegay inuu jiro war war laga qabo in saldhigaas ay Masar dabada ku hayso waxaanu yidhi “Waxa warwar badan laga qabaa in Masarna daba joogto, xano badan ayaa la sheegayaa, laakiin waxa laga war hayaa gobalkeena laftiisa in warwar laga qabo, markaas waxaan leeyahay is dhawris badan ayay leedahay oo arrintaan ku deg degi lahayn maaha, wax inagu kelifayaana ma jiraan,  hunguri loo galayo oo qarankeena wax tarayana maaha.”

Wuxuu Xirsi ugu dambayn yidhi “Arrin aan laga fiirsan inay tahay, oo aanay dalkeena dani ugu jirin. Waxaan leeyahay waar waa la noolaanayaa ee yaynaan dalkeena iyo dakeena waxaan macno lahayn dhaafsan.”

Hogaamiyaha Xisbiga Mcuaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay inay Shacabku xaq u leeyihiin inay hadlaan sidoo kalena la tixgeliyo Haldoorka, Odayaasha iyo dadka Ehlu Sharafka ah ee Qarankan Miisaanka ku leh oo aan hadalkooda laga soo qaadin hal bacaad lagu lisay "Shacabku xaq buu u leeyahay inay ka jawaab waa kuwaa hadlaya Odayaasha iyo dadka muxtarimkaa ee hadlaya annigu odhan maayo waxba kama jiraan iyo waa hal bacaad lagu lisay waxaan arkayey ragga qaar dadafaynayeey, Dadku danahooda way ka hadli karaan waxay u arkaan Maslxad waa dal Dimuqraadiyo ma afduubna way ka hadli karaan way ka jawaabi karaan Shucuurkooday muujin karaan laakiin se inay dadku muujiyaan dareenkooda oo Odayaasha iyo  dadka ehlu sharafkaa la dhegaysto waxaa weeye wixii Sharcigeenu ahaa waa dalkeenu kusoo caano maalay waa wax laynagu yaqaano oo dadka kale ee Gobolkan dheernahay dad iska dhegaysta oo isu qabsooma, oo Ninka odayga ahna Ixtiraamo Ninka Siyaasiga ahina u tudho Dalka."