“Wax Heshiisa Oo La Galay Ma Jiro, Anigu Ma Saxeexayo Waxaan Danta Somaliland Ku Jirin, Heshiis Aanay Danta Somaliland Ku Jirina Cidna Ka Yeeli Mayno”Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire

0
675

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inaanu shakhsiyan marna saxeexi doonin heshiis aanay dani ugu jirin qaranka iyo dadka reer Somaliland.

1

Wasiir Sacad oo shalay saxaafadda la hadlay isagoo horkacayay wefti ka soo laabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, wuxuu kaloo sheegay inaanu jirin ilaa hadda heshiis rasmi ah oo dhex maray dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabta oo ku saabsan saldhiga milatari ee dekedda Bebera, “Ilaa iyo hadda wax heshiis ah oo aan saxeexnay oo cid lala gaadhnay ma jirto, arrinka saldhiguna waa arrin gobal, dabcan Djibouti iyo Itoobiya waanu ka wada hadalnay, waanan ku wargelinay in laga wada socdo arrimaha heer gobal. Wadanka go’aankiisa inagaa leh, Dawladda Somaliland ee uu hoggaaminayo madaxweynaheenu, marnaba ku talin mayso, soona dhigi mayso wax ku liddi ah sumcadda dalka iyo dadka.  Jaarkeenuna way inoo tixgelinayaan wixii aynu inaga go’aankeena iska leenahay, inaguna waan tixgelinaynaa wax kasta oo kaga xidhan go’aank kasta oo aan gaadhno.” ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Wasiirka oo la weydiiyay inay raysalwasaaraha Itoobiya kala hadleen saldhigan Milatari wuxuu ku jawaabay  “Sidaan kuu sheegay arrinkaasi waa arrin gobal, waan isla soo hadal qaadnay Djibouti iyo Ethiopia labadaba, sidaan kuu sheegay maadaama oo aanay jirin heshiis aynu cid la saxeexanay, mabdi’iyan way inagu ixtiraamayaan wadamada jaarku inaynu nahay wadan u xora in ciddii uu dantiisa u arko inuu heshiis la galo, inaguna geli mayno heshiis aynu u aragno inuu inaga ama gobalka amni darro u leeyahay.”

Wasiir Sacad Cali Shire, oo la weydiiyay su’aal ahayd inuu shakhsiyan aaminsanyahay inuu heshiiska saldhigan milatari dan u leeyahay qaranimada Somaliland wuxuu ku jawaabay  “Wax heshiis ah oo la galayba ma jiraan. Waxay ku xidhantahay marba heshiiska;  inaga waxaan dan inoo ahayn ma saxeexayno . Anigu ma saxeexayo waxaan danta Somaliland ku jirin, heshiis aanay danta Somaliland ku jirin cidna ka yeeli mayno, markaas wixii heshiisa ee dani inoogu jirto waynu saxeexaynaa  danteena ayuun baan ka dhex eeganaynaa.”