“Waxaan Ahay Ninka Keliya Ee Shan Gobal Oo Waaweyn Ka Noqday Badhasaab”

0
480

Hargeya (Geeska)-Badhasaabka cusub ee Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), oo afar Gobol oo hore ka soo noqday Badhasaab, ayaa ka hadlay sida uu u arko xilkan cusub ee loo magacaabay, waxaanu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay in Gobolkii shanaad Badhasaab looga dhigo.

1

Badhasaabka cusub ee Togdheer Maxamed Cali Saleebaan (Ramaax), oo Wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo arintan ka hadlaya yidhi “Waan ku faraxsan nahay, oo waan ku qanacsanahay in Gobolkii Shanaad oo ah Gobolka Togdheer in aan Badhasaab ka noqdo, waxaana dareen gooniya oo farxadi ku dheehan tahay ii ah in Gobolada Somaliland ugu waaweyn oo ah Lix Gobol oo kala ah Gobolada Saaxil, Sanaag, Awdal, Sool iyo Togdheerba aan ka noqdo Guddoomiye, waxa ii hadhsan oo qudha Gobolka Maroodi-jeex, waxaana xaqiiqa ah in aan ahay qofka qudha ee isku soo maray Goboladaas oo dhan, waxa kale oo aan aad u amaanaya oo aan ka mahad sheeganayaa dhammaan Shacab weynaha reer Somaliland ee degan Goboladaas oo si hagar la’aan ah wax ila qabtay, Madaxweynahana waxaan leeyahay Madaxweynaha waad ku mahadsan tahay inaad dhammaan Goboladan Guddoomiye iiga dhigto”