Waxa Uu Ku Labbistay Shaadh Dahab Ka Samaysan, Markaasay Qasab Noqotay In 20 Ilaalo ah La Raaciyo

0
789

Picture8Mumbai (Geeska)- Ganacsade u dashay dalka Hindiya oo jecel dahabka iyo dhagaxa qaaliga ah ayaa lacag dhan 213 Kun oo doolarka Maraykanka ah ku bixiyey shaadh uu doonayey in uu xidho munaasabadda xuska maalinta dhalashadiisa.

Maalqabeenka Pankaj Parakh oo caan ku ah xarragada iyo dharka quruxda badan ayaa warshad dharka tosha si gaar ah uga dalbaday in ay u tosho shaadhkan oo ka samaysan dahab keliya, si uu ugu dabbaal dego munaasadda dhalashadiisa 45 naad. Pankaj ayaa toddobaadkan isaga oo ku labbisan shaadhkan ka samaysan dahabka noocyada 18 iyo 22 ga loo yaqaanno, lagu arkay meel ku dhow gurigiisa oo ku yaalla Yeola oo Mumbai u jira 160 Mayl oo dhinaca woqooyi-bari ah, laakiin waxaa dhan walba ka taagnaa koox ilaalo hubaysan ah oo ka ilaalinaysa in cidi hungurayso shaadhka uu maalqabeenkani ku xarragoonayo ee dahabka ah. kooxdan ilaalada ah oo ka kooban 20 nin oo jidhkoodu aad u dhisan yahay ayaa la sheegay in ay ilaalinayaan shaadhkan Afar kiiloo ee dahabka ah ka samaysan ee uu xidhan yahay Pankaj Parakh.

Picture9Mr. Parakh ayaa sheegay in tan iyo 5 jirkiisii uu aad ugu falnaa xiisaha iyo jacaylka uu u qabo dahabka, waqtigaasna ay ahayd markii uu go’aansaday in marka ugu horreysa ee ay u suurtogasho in uu munaasabadda dhalashadiisa xidho dhar dahab ah. Waxa aanu sheegay in tan iyo markii uu lacagta fiican helay uu bilaabay in uu dahab xidho, “Weligey guriga dibadda ugama baxo aniga oo aan xidhnayn wax ka yar 2 illaa 3 kilo oo dahab ah” ayaa uu yidhi Parakh isaga oo ka hadlaya dahabka badan ee uu sida dumarka qoortal, gacmaha iyo lugaha gashado. Mar uu ka hadlayey shaadhkiisan dahabka ahna waxa uu sheegay in si aad u heer sarraysa loo sameeyey oo dahabka uu ka samaysan yahay uu yahay xasoowo yar oo aad u jilicsan oo sida dunta loo tolay, sidaa awgeed uu yahay maro caadiya oo la maydhi karo lana wadhi karo si ay u qallasho. Parakh waxa uu intaas ku daray in mar kasta uu qaato baastoolad si uu u difaacdo dahabka uu xidhan yahay. Parakh oo dugsiga ka tegey isaga oo aan dhamaysan, kadibna bilaabay ganacsigiisan najaxay ayaa toddobaadkan xaflad loo qaban doono farxadda dhalashadiisa waxa uu si rasmi ah ugu soo labisan doonaa shaadhkan dahabka ka samaysan.

Diinta Islaamka ayaa ragga ka xaaraantimaysay xidhashada nooc kasta oo dahab ah, qaab kasta oo loo xidhanayo, sidaa awgeed waxa uu barnaamijkani dhiirri gelinayaa in akhriste kasta oo muslim ahi ka dheeraado xidhashada dahabka.