Tunis (Geeska)- Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Tunisia ayaa doortay in xafladda meherka xaaskiisu ay ka dhacdo biyaha badda loo yaqaanno Mediterranean-ka hoostooda. Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo, Raa’faad Dalduul ayaa gabadh loogu meheriyey gunta hoose ee biyaha badda magaalo xeebeedda Al-Mahdiya ee dalka Tunisia.
Cadad hore oo ah Wargeyska Al-Usbuuci ee ka soo baxda dalka Tunisia oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa qoray in ninkan dhalinyarada ah oo maamule ka ah dugsi lagu barto dabbaasha oo ku yaalla magaalada Al-Mahdiya uu munaasabadda meherka oo ka dhacday biyaha badda hoostooda ku casuumay 10 qof taas oo tirada ka dhigtay 12 marka lagu daro labadooda is mehersanayey.
Waxa uu wargeysku sheegay in wiilkan dhalinyarada ah ay inantan uu guursaday isbartay mar ay tababar barashada dabbaasha ah u timid dugsiga uu maamulaha ka yahay, xidhiidhkoodan ayaa gaadhay in ay go'aansadaan guurs, laakiin shardiga ka horreeyey ee ay gabadhu ku xidhay guurka ayaa ahaa in xafladda meherku ka dhacdo biyaha badda hoostooda. Ninkan ayaa markiiba ogolaaday shardiga gabadhan uu jeclaa, waxa aanu gudo galay u diyaar garawga xaflad meher oo ka dhacda biyaha badda hoostooda.
Labada arooska ah iyo dhammaan ka qayb galayaasha oo uu ku jiro sheekha meherinaya ayaa loo xidhay qalabka dabbaasha iyo haamaha naqaska laga qaato oo suuro gelinayey inay biyaha hoostooda si caadi ah muddo ugu jiri karaan. Dhanka kalana wargeyska Al-Shabaab eek a soo baxa isla dalka Tunisia oo uu Geeska Afrika soo akhriyey ayaa qortay in markii warka meherkan ka dhacay biyaha hoostoodu ku faafay dalka Tunisia ay si xawli ah u soo badatay tirada dhalinyarada reer Tunisia ee muujinaya xiisaha ay u qabaan in ay dhigtaan munaasabad meher oo noocan oo kale ah.