Nooc Cusub Oo Ah Tayfoodh Dawada Iska Caabbinaya Ayaa Ku Soo Badanaya Dalal Ay Afrikaan Ka Mid Yihiin

0
1487

Picture1London (Geeska)- Cilmibaadhis ballaadhan oo caalamiya ayaa daahfurtay in farac ka mid ah xumadda Tayfoodhka oo iska caabbin kara dawooyinka cudur dilaha ah ee afka qalaad lagu yidhaahdo Antibiotic uu muddooyinkan dambe dunida oo dhan ku faafayo.

Cilmibaadhis ay ka qaateen 74 caalim oo ka kala yimi 20 dal, laguna tilmaamay in ay tahay tii ugu ballaadhnayd ee lagu soo ururiyey xog la xidhiidha sababaha keena caabuqa aadamaha,  ayaa ay culimadani sheegeen in ay ku ogaadeen natiijo warwar leh oo iftiiminaysa khatarta soo kordhaysa ee ku soo fool leh caafimaadka gudu ee dadka dunida ku dhaqan. Noocan cusub ee cudurka Tayfoodka (Tiifowga) oo ay keento bakteeriyo lagu magacaabo H58 waxa uu inta badan ka dhashaa cabbitaanka ama cunista cunto wasakhaysan, calaamadaha lagu gartana waxaa ka mid ah Yalaalugo, Xummad, calool xanuun, iyo in qofka laabtiisa lagu arko boogo midabkoodu casaan yahay. haddii aanu waqtiga ku habboon dawada saxda ah helinna waxa uu dhibaato gaadhsiiyaa midhicirada, guud ahaan uur-ku jirta iyo madaxa, wawxaana suurtogal ah in dadka qaada boqolkiiba 20 ay u dhintaan.

Khubaradu waxa ay sheegeen in cudurkani uu leeyahay tallaal, laakiin qiimihiisa oo qaali ah awgeed aan si aad ah looga isticmaalin dalalka faqiirka ah, waxa aanay daraasaddani xaqiijisay in cudur dhaliyaha H58 ee iska caabbinaya dawada cudur-dilaha ah (Antibiotic) uu si weyn dunida ug usii faafayo, isaga oo ay muuqato in uu beddelayo noocyadii kale ee Tayfoodhka.  Venessa Wong oo ka tirsan mac-hadka Wellcome Trust Sanger ee xaruntiisu tahay London kana tirsnayd khubarada caalamiga ah ee daraasaddan ka qayb qaadatay ayaa sheegtay in Tayfoodkan cusubi uu sannad kasta dunida kaga dhaco 30 Milyan oo qof, sidaa awgeed ay qasab tahay in si caalami ah oo fiican arrintiisa loogu soo jeesto si loo xakameeyo. Daraasaddan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Joornaalka Nature Genetics oo faafiyey Isniintii toddobaadkii ina dhaafay, ayaa waxa kale oo lagu sheegay in cudurkani uu intii u dhaxaysay 1992kii illaa 2013kii isaga gudbay 63 dal, waxa aanay khubaradu daraasaddooda ku soo gebogabeeyeen in cudur-sidaha H58  uu bilowgiisii hore ku dhashay Koonfurta Qaaradda Eeshiya muddo hadda laga joogo 25 illaa 30 sano, laakiin uu u faafay bariga iyo galbeedka Eeshiya, una soo gudbay Koonfur Afrika. Waxa kale oo ay khubaradani heleen caddaymo muujinaya in mawjado caabuqan ahi ay ka jiraan dalal badan oo ka mid ah Afrika oo dhowaan ay ku faafeen.