Waxa Uu Doonay In Gabadh Uu Jeclaa Uu Si Xiiso Leh Guur Uga Codsado, Laakiin Noloshiisa Ayaa Halis Gashay

0
752

Washington (Geeska)- Waxaa la yidhaahdaa jacaylku haddii uu run yahay, waxa uu qofka ku kallifi karaa in uu qaato tallaabooyin waalli la xisaabin karo, iyo ficillo tiro badan oo aan marka caadiga uu qofku yahay suurtogelayn oo uu ku doonayo in uu raalli geliyo uun ruuxa uu jecel yahay. Dadka qaarna waxa ay aad u soo celceliyaan hal-ku-dheg yidhaahda, “Jacaylka qaarkii waa dilaa” haddaa qisada nin uu dhashay dalka Maraykanka ayaa u muuqata in ay ka marag kacayso wax badan oo ka mid ah hadalladan.

1

Waa sheeko dhab ah oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska The Sun oo ka soo baxa carriga Ingiriiska, waxa aanay u bilaabatay sidan.

Michael Bank waa 27 jir u dhashay dalka Maraykanka, kadib markii uu muddo la sheekaysanayey gabadh uu jacayl badan u qabay, waxa ay gaadhay maalintii uu doonay in uu si rasmi ah ugu sheego in uu doonayo in jacaylkooda ay ku gaadhaan ujeeddii lagu gaadhi jiray oo dabcan guur iyo qoysnimo ah. Laakiin qiimaha uu arrintan siinayey awgeed waxa uu jeclaystay in uu calaamad taariikhda u gashay gurigooda u sameeyo, taas oo markii uu rog-rogay ay la noqotayin inta uu fanto buurta Morro Rock oo ku taalla gobolka California ee dalka Maraykanka uu gabadha ka soo garaaco khadka Facetime oo ah khad wada hadal maqal iyo muuqaal ah oo laga isticmaalo talefannada casriga ah ee IPhone si iyada oo arkaysa khatarta halka uu saaran yahay, uu ugu caddeeyo in uu darteed nafta u mahlako gelinayey, kana codsanayo in ay ka aqbasho guur.

Laakiin qisadan oo uu Michael Bank doonayey in ay noqoto taariikh iyo astaan kalgacal waxa ay isu beddeshay filin cabsiyeed, wejigeeda koowaad guul ayaa uu ku dhammaaday oo markii isaga oo halkii saaran uu gabadhii la hadlay ee u gudbiyey dalabkiisa guur, iyaduna ay ka aqbashay, wejiga labaad ee qisadu sida kaa hore waa uu u farxad badnaan waayey.

Michael Bank waxa uu ku xannibmay buurtii oo uu ka soo dhaadhici kari waayey meel aad jooggeedu u sarreeyo. Waxa aana qasab noqotay in loo dalbaday kooxaha gurmadka degdegga ah ee diyaaradaha ku soo badbaadiya dadka buuraha dushooda sidan oo kale ugu xannibma.

Sida uu ku warramayo wargeyska The Sun, buurta Morro Rock waxaa uu Maraykanku u aqoonsan yahay in ay ka mid tahay goobaha khatarta ah, waxa ay dhulka ka sarraysaa joog gaadhaya illaa 177 Mitir, waxa aanay ka mid tahay buuraha sida sahalka ah looga soo shalwan karo, sidaa awgeed waxaa ka yaalla sharci loogu talogalay in nafaha dadka lagu badbaadiyo. Sababtaas awgeed markii kooxaha badbaadada lagu wargeliyey in ninkani uu ku xannibmay meel sare oo buurtan ka mid ah waxaa qasab noqotay in loo dalbado diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah oo soo badbaadisa.

Kabtanka duulinayey diyaaraddan soo badbaadisay Michael Bank oo lagu magacaabo Todd Gailey, ayaa sheegay in Ninkan jacaylku buurta saaray uu ka soo degey jid aan ahayn kii saxda ahaa ee uu buurtan kaga soo dhaadhici karayey, aadna u khatar badan, sidaa awgeed markii uu in yar soo degey uu ku xannibmay meel dhexe, oo uu awoodi waayey in uu dib u noqdo ama jiho kale oo kasta u dhaqaaqo.

Michael Bank waxa uu ku qasbanaaday in uu ku qallalo gebi khatar badan oo xitaa aanu haysan meel uu cagaha saaro, marka laga tago meel aad u yar oo uu dabada dhigay iyo laba dhinac oo gacmaha uu dirqi ugu xejisanayey iyada oo ay labadiisa lugoodna soo laa-laadaan. Laakiin Kabtan Gailey waxa uu sheegay in Michael markii ay u tageen uu aad u xasiloonaa, oo uu sugayey inta uu gurmadku u imanayo, laakiin markii diyaaradda iyo kooxdii gurmadku ay soo gaadheen, ay ku bilaabatay  cabsi iyo sakati xasiloonidii nafsiga ahayd ka qaaday, “Markii aanu aanu doonnay in aanu diyaaradda aanu soo saarno, waxa uu awoodi kari waayey in uu ka soo kaco dhagaxii uu ku fadhiyey, iyo halkii uu gacmaha ku haystay” ayaa uu yidhi Kabtanka oo intaas ku daray in dhib badani ay ka qabsatay in ay Michael ku qanciyaan in uu dhagaxa ka soo kaco oo ninka badbaadinaya soo qabsado, waayo waxa uu ka baqanayey in uu si uun u siibto inta aanu ninka gacantiisa isku hubsan.

Michael markii la soo badbaadiyey kadiyey kadib waxaa laga qaaday ganaax la xidhiidha sharciga fuulista buurtan oo uu jebiyey, waxa aana qasab lagaga dhigay in uu bixiyo kharashka ku baxay hawlgalka diyaaradda lagu soo badbaadiyey, iyo ganaax kale oo ah in uu isticmaalay goob isticmaalkeeda sharci ka yaallo isaga oo aan sifo sharci ah u marin.

Maamulka gobolka California u qaabilsan arrimaha madaniga ah ayaa falkan awgii u soo saaray digniin uu dadka ku baraarujinayo khatarta ay leedahay fuulista buurtani, waxa aanay boggooda facebook ku qoreen, “Waxa aanu dadka ka codsanaynaa in buurtan keliya ay dusha ka daawadaan, si ay naftooda iyo nafaha dadka badbaadada ka shaqeeyaba noloshooda u badbaadiyaan isla markaana aanay u sababin kharash iyo waqti lun”