Wax-Qabadkii U Horeeyey Ee Xukuumadda Wuxuu Ahaa Baabiintii Udub, Wax-Qabadkii U Danbeeyaana Baabinta Ucid Garyaqaan: Barkhad Jaamac Xirsi Batun

0
544

Markii xilka dalka loo dhiibay xukumadda kulmiye ee wakhtigeedu gabo-gabada yahay 2010kii tallaabooyinki ugu horeeyey ee ay qaaday waxaa kamid ahaa hurinta khilaaf weyn oo ay ka dhex abuurtay xisbigi bahweynta bulshada Somaliland ee UDUB kaas oo aakhirkiina ay ku guuleysatay iney qawracdo kuna tukato salaad jinaaso oo bilaa takbiir ah 2012ki iyadoo ku aastay xabaalaha aar-goosiga iyo cuqdada.

1

haddaba muddadii ay xilka haysay xukumaddani lagu xussi doono laguna xasuusan doona musuq-maasuq, eex, qaraabo-kiilnimo, caddaalad-darro, qabyaalad qaawan iyo talladii dalka oo gacanta u gashay dad aan iyaga loo dhaarin takrifal badan oo awooda dawliga ahina dhacday ayey maanta cimrigeedii ku soo gunaanadeysaa 7 sanno kadib qawricidda xisbigii labaad ee dalka oo ah xisbiga UCID  kaas oo ay rabto iney isna ku tukato salaatul jinaasa sujuud leh kuna darto xabaalaha naxliga iyo naceybshaha. 

Xukumaddu waxay masuul uga tahay qaranka kobcinta iyo tayeynta axsaabta mucaaridka ah, si loo helo xisbiyo qaran oo lagaga gudbo habka qabaliga ah loona gudbo habka qaranimadda. Sida uu dhigayo xeerka xisbiyada qarankaXEER NO: 14/2011 qodobkiisa 25aad fiqradisa 1aad

Masuuliyada xisbiyada mucaaradka ah saaranina waxaa weeye iney farta ku fiiqaan dhaliilaha joogtada ah ee ka imaada xukumadda hadba markaa tallada dalka haysa si horumar waara iyo caddaalad loo helo. (Check and balance political parts mechanism) 

Si aaney taasi u dhicin ayey xukumaddani geed dheer iyo mid gaaban u fuushay tir-tirada xisbiyada qaranka waxaas’e su’aal ah tallow markay xisbiyada baabiso yaa la tartamaya iyada? Laakin waaba sidey rabaan inaaney dooraashaba dalka ka dhicin! 

Ugu danbeyntii sidan hadda ay ku socoto xukumaddani waxay horseed u tahay iney dalka dib ugu celiso reeranimadii iyo waxii 25 sanno ka hor laga soo gudbay filashadeydana waxaan u maleynayaa iney sidan u sameynayaan inaaney dawladnimo dalka uga danbeynin si aan loo xisaabin oo aan loo waydinin hantida xadhig goosadka ah ee ay urursadeen muddadii ay xilka hayeen, balse Alle xisaabtiisa ayaaba ka sii horeysa.

Waxaans’e isweydiinayaa salatul jinaasada xisbiga ucid ee macal sujuuda wadata talow yaa ka imam noqon doona? Ma madaxweyne silanyo, ma gudoomiye muse bixi, ma gudoomiye faysal cali waraabe mise musharax Jamaal cali xuseen? 

Garyaqaan: Barkhad Jaamac Xirsi Batun

Xogahaya Caddaalada Xisbiga Waddani