“Wax Is Casilaad La Yidhaahdaa Ma Jirto, Ee Marka La Gaadho Shirweynaha Xisbiga Ayaanan Anigu Mar Dambe Isa Soo Sharaxayn”

37
3030

Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, ayaa is casilaadiisa, waxaanu ku adkaystay inaanu is casili doonin.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde,  oo Wargeyska Geeska Afrika xalay u waramay ayaa yidhi   “Wax is casilaada la yidhaahda ma jirto, ee marka la gaadho Shirweynaha ayaanan anigu mar dambe isa soo sharaxaynin, waxaana doonayaa in aan Xisbiga gaadhsiiyo Doorasho xalaal ah, oo aan cid ku sar goynayn, oo umadda reer Waddani u siman tahay, Xisbigana wey ku jiraan boqolkiiba lixdan madaxi’e mid ka mid ha la geeyo meesha”

Dhinaca kale Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani, mar wax laga weydiiyey inuu jiro khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Guddoomiyaha Xisbiga  Cabdiraxmaan Cirro iyo in cadaadis lagu saaray inuu xilka wareejiyo ayaa ku jawaabay “Guddoomiyaha iyo haddii aanu Madaxda kale ee Xisbiga nahay, waxaanu jecel nahay oo aniga iyo Guddoomiyuhu isku raacnay, in muddadaas sannadka ah ee aanu kordhinay, in aniga iyo Guddoomiyuhuba xilalka aanu hayno, in aanu ku wareejino cidii xaq u leh ee Xisbigu xaq u siiyey, oo ah in Cabdiqaadir Jirde uu Guddoomiyuhu ku wareejiyo Guddoomiyaha Xisbiga oo hore loogu balanqaaday, Golihii Dhexe lagu ansixiyey, oo ah nin qiimo leh, runtiina aan is leeyahay Xisbiga sannadkaas wax badan buu ka bedelayaa, mudadaas anagu iskama fadhiyeeyno, labadayaduba waxaanu ka shaqeeynaynaa dibadda iyo guddahaba, Xisbiga Waddani wixii dhaqaale iyo dad ah ee loo raadin karo in loo raadiyo, hawshaas ayaanu galaynaa, waayo waxa na sugayaa tartan mudada hadhayna waa wax yar, waxaanu isku khilaafanay oo runtii anigu sharci daro u arkaa, sharciga Xisbigana khilaafsan, Guddoomiyuhu wuxuu soo jeediyey in aan ku wareejiyo si ku meel gaadh ah nin la yidhaahdo Khadar Guuleed,oo aan Xisbiga meelna ka soo galin, wax uu Xisbiga ku leeyahayna aanan anigu ogeyn, anigoo ah Xoghayihii guud, iyadoo uu joogo Xoghaye ku xigeenkii Xisbiga, oo muddo dheer nala soo shaqeeyey, hawl badan soo qabtay, oo ah nin masuul ah, Jamaal, in sharciga iyo nidaamka la raaco,   ayaan ogolahay, waxaanu Guddoomiyaha ka codsanaynaa inuu Sharciga ku soo noqdo, xilkaana loo dhiibo cidii xaqa u lahayd, sharciguna jideeyey, isagoon wax kale eegayn, ee waxa uu eega ay noqoto Xisbiga iyo haykalkiisa, oo uu u hogaansamo nidaamka u yaala, waana ku rajo weynahay inuu saaxibkay aqbali doono”.

Mar uu ka hadlaayey cida uu Xisbiga ku wareejinayo ayaa yidhi “Anigu waxaan Xisbigii ku wareejinayaa Xoghaye ku xigeenka, marka uu Guddoomiyuhu soo qoro waraaqda, isaguna wuxuu si rasmiya ugu wareejinaya Guddoomiyaha, Cabdiqaadir Jirde, anigu waxaan caddaynayaa inuu Shirweynuhu noqdo kaliya Shir furan, oo si cadaalada loogu tartamo, Cabdiqaadir Jirde ma baryaayo  Cirro, Gole Dhexe ayaa ansixiyey, waa wax sharciya, marka waxaanu leenahay sharciga ha loo sinaado, yaan lagu kala saraynin, anigu mid aan jeebada ku sitaa ayaanu iman, mid Guddoomiyuhu jeebada ku sitaana yaanu iman, ee ha yimaado mid Xisbigu keenay, Cabdiqaadir Jirde Gole dhexe ayaa lagu ansixiyey, anigu banee maan odhan, mana odhanayo, ee ninka fikirka keenay waa Guddoomiyaha”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here