Wax Iibsiga Maalinta Doobabka Ee Dalka Shiinaha Oo Gaadha $38 Bilyan Iyo Hay’adaha Nadaafadda Oo Ka Cabanaya Korodhka Qashinka Ee Maalintan

52
4239

Beijing (Geeska)- Maalinta doobabka ee dalka Shiinuhu waa maalin u gaar ah xuska dadka dalkaas ee aan weli guursan rag iyo dumarba. Xuska maalintan awgeed waxa ay suuqyadu sameeyaan qiimo dhimis weyn, gaar ahaan wax iibsiga internet ka laga adeegto. Lacag dhan 38 bilyan oo doolar ayaa ay noqotay wadarta lacagtii ay sannadkan u dambeeyey dadka aan guursan oo lagu naanayso, ‘Dadka qalbiga keliya lihi’ ka iibsadeen suuqyada qiimo dhimista u sameeyey.

Waxa kale oo munaasabaddan awgeed kor u kaca waraaqaha iyo hadyadaha ay isu dirayaan dadka aan guursan, tusaale ahaan, xaddiga bushqadaha dhambaallada iyo hadyadaha ah ee ay celcelis ahaan isu diraan dadkani, waxa ay gaadhaa 331 milyan oo xidhmo, taas oo la sheegay in ay sababto in uu samayso xashiish ka badan 160 kun oo ton oo soo buux dhaafiyey goobaha qashinka.

Bandhiggan waxaa la qabtaa 11ka bishia kow iyo tobnaad (November) ee sannad kasta. Waa munaasabad ay shirkadaha tafaariiqda ee internet ka wax ku iibiya, sida shirkadda Cali Baaba, JD.com, ay sameeyaan qiimo dhimis ay uga faa’iidaysanayaan iibka iyo adeegashada ay dhalinyarada aan guursan weli, maalintan sameeyaan oo aad kor ugu kaca. Laakiin inta badan munaasabaddani waxa ay ka cadhaysiisaa dawladaha hoose iyo dadka ka shaqeeya nadaafadda magaalooyinka oo dareema in qashinka soo gaadhaya goobaha qashinku aad uga bato sidii caadiga ah. sababtuna ay tahay qashinka ka soo baxaya kartoonnada iyo bacaha bushaqadaha u ah hadyadaha kala duwan ee la isu dirayo iyo qashinka wax la isu hadyadeeyey laftigooda ka samaysmaya.

Warbaahinta rasmiga ah ee dalka Shiinaha oo ka warrantay xaddiga qashinkan ayaa sheegtay in isu geynta lacagta wax lagu kala iibsado maalinta doobabku uu noqdo 254 Bilyan oo lacagta shiinaha ah, una dhiganta 38.25 BIlyan oo doolarka Maraykanka ah. Waxyaabaha ugu badan ee maalintan la iibsado ayaa ah taleefannada gacanta ee casriga ah iyo qalabka guryaha lagu isticmaalo.

Hay’adda Boosaha ee dalka Shiinaha ayaa sheegtay in korodhka bushqadaha ay qaaddo maalintani uu gaadho illaa 331 Milyan oo bushqadood, taas oo u dhiganta in ay boqolkiiba 31.5 ka badan tahay inta sannadka intiisa kale la qaado oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here