‘Wax danbe uma yeedhin kartid aduunka,’ ayuu Ahmadinejad u sheegay Maraykanka

0
639

Ahmed-Najaad1Dushanbe, (Geeska/The Independent)- Madaxweynaha Iran, Maxamuud AxmedNajad ayaa cadeeyey inaanay wax siyaasad ah dib ugu yeedhin doonin wadamada aduunka Maraykanka iyo NATO, una soo jeediyey inay degdeg uga baxaan dalka Afgaanistaan.

Madaxweynaha Iran oo ka hadlayey shir goboleed ka dhacay dalka Tajikstan oo arrimaha dalka Afgaanistaan lagaga hadlayey ayaa ka dhawaajiyey inuu ku kalsoon yahay inaan faquuqida dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalkiisa aanay ku habran doonin.

Isagoo ka hadlayey magaalada Dushanbe, ayuu Axmednajad sheegay in Nato u adeegsato qeyb miisaaniyadooda ka mid ah inay ku kaabto dhaqaalaha Afgaanistaan. Maraykanka keligii ayaa la sheegay inuu u adeegsado dhaqaale gaadhaya $100 bilyan hawlgalada milateri ee dalka Afgaanistaan uu ka wado.

"Nato iyo Maraykanku waa inay bedelaan siyaasadooda, sababtoo ah, xilliyadii ay aduunka u yeedhin jireen siyaasadahooda wuu dhamaaday,” ayuu sheegay AxmedNajad. "Waxa haboon inay xushmeeyaan wadamada halkii ay u hanjabi lahaayeen oo qabsan lahaayeen. Wakhtigii gumaysiga xilli hore ayaa laga soo gudbay."

Wefdigii Maraykanka oo uu hogaaminayey ku-xigeenka xoghayaha Arrimaha Dibedda ee barriga iyo badhtamaha Aasiya, Robert Blake, ayaa ka baqoolay goobtii shirka markii khudbada Madaxweynaha Iran bilaabay, halkaa oo markuu dhameeyey dib ugu soo laabteen shirka.  AxmedNajad ayaa doorashooyinkii madaxtinimada oo lagu shubtay ku soo baxay sannadkii 2009.