Wasir Gabose Oo Wefti Ay Ku Jiraan Labada Taliye Ciidan U Hogamiyay Magaalada Jigajiga

0
754

 

gabooseHargeysa(Geeska)-Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabose, ayaa shalay socdaal ku tagay magaalada Jigjiga ee kililka shannaad ee Somalida Itoobiya.

Weftigaas oo ka kooban labada taliye ciidan ee qaranka iyo Booliska Nuux Ismaaciil Taani iyo Maxamed Saqadhi Dubad, waxa kale oo weheliya qaar ka mid ah badhasaabada gobalada, waxaana ujeedada socdaalka lagu macneeyay mid lagu xoojinayo xidhiidhka ka dhexeeya gobalada labada dal ee teedsan xuduudka Somaliland iyo Itoobiya. Weftigan waxa la filayaa inay maalmo kooban ku maqnaadaan magaalada Jigjiga, waxaanay kulamo la yeelan doonaan masuuliyiinta ismaamulka Somalida Itoobiya.