Aragtiyaha Qurbo-joogu Ka Bixiyeen Hayaanka Horumar Ee Dalka Iyo Caqabadaha Ku Gedaaman

0
818

caaawa iyo qurbahaHargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu la kulmay qaar ka mid ah qurbo jooga dalka ku soo guryo noqday, kuwaas oo uu ka waraystay aragtiyahooda ku waajahan dalkooda ay mudada dheer ka maqnaayeen iyo waxyaabaha u kordhay amaba ka dhacay mudadii ay ka maqnaayeen.

Xubnahaas qurbo jooga ah oo isugu jira dad muddooyin kala duwan ay dalka ugu dambaysay waxa ay ka waramayaan waxyaabaha ku cusub dalka, horumarka kala duwan, waxyaabaha weli dhiman ee qabyada ah iyo meelaha kale ee toosinta u baahan.

caaawa iyo qurbaha  - Copy (4)

Ugu horayn Cabdi Cali Mahdi, waxa uu ka yimid magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana dalka ugu dambaysay sannadkii 2007, waxaanu yidhi, “Wax wayni way is badaleen sidaan arkaayo. Tusaale ahaan dhawr wasaaradooda ama wakaaladood oo aan booqanay waxaanu ugu tagnay madaxdii oo fadhida, goor danbe ayey ahayd runtii. Hadii aan dib ugu noqdo 2007-dii waxaanu u nimi runtii mashruuc yar oo kooban, waxaan xasuustaa in markay kaw iyo tobanka ay tahay in aanu xafiisyada masuuliyiinta aanu ka waayi jirnay, oo qaarkood mabay soo shaqa tagi jirin, waraaqo hadaad uga baahato dhibkeeda ayey runtii lahayd.  Waxyaabaha dhanka shacabka is badalay waxa ka mida mar aanu 2007-kii  tusaale ahaan dadka markaad la sheekaysato waxaa ka soo horaynaysay xanaaq iyo dadkii oo madluun ah oo aad moodo inay baahidoodii meel ay ku daboolaan aanay haynin ama ay ka quusteen rajadii, laakiin imika waxaad moodaa inay dadku rajo ama haday noqoto shaqo aad moodo inay dadku yara degan yihiin oo aanay kacsanayn.”

 

Isagoo ka hadlaya waxyaabaha cajab geliyay naftiisa, wuxuu yidhi, “Waxyaabo badan oo ku cajab galinayaa way jiraan, waxyaabo badan oo kaa nixinayaana way jiraan. Horta magaaladu wa balaadhatay ilaahay ha daayee dadka shicibka ahini wax badan way qabsadeen. Ganacsatadu runtii dukaamo, hudheelo, shirkada badan way  furteen, laakin hada waxaad moodaa qaybtii ugu muhiimsanayd ee bilicda magaalada oo kale soo jiidanaysay inay maqan-tahay, xaga nadaafada oo kale, xaga qaabka magaaladu ay u dhisan tahay iyo wadooyinkooda. Kolay way kaa nixinayaa markaad qurbaha ka timaado .”

caaawa iyo qurbaha  - Copy (3)

Khadar Xasan Cali Gaas, waa suxufi reer Somaliland ah oo degen magaalada London ee dalka Ingiriiska kana tirsan Wargeyska Jamhuuriya. Waxa dalka ugu dambaysay sannadkii 1998, isagoo rayigiisa cabiraya wuxuu yidhi, “Runtii anigu waxaan ka soo degay madaarka Berbera oo dariiqa ayaan soo maray mudo dhawr saacadood ah. Madaarka Berbera oo barigii hore iska hangar ahaan jiray wax wayn ayaa laga qabtay, dhib badan kalamaanu kulmin oo si fiican ayaa adeega nalogu sameeyey. Dariiqa oo aad looga caban jiray barigaa hore ee aan imi aad ayuu u dhamaa, marka laga reebo inta yar ee Hargeysa soo xigta. Laakin waxaad mooda waxyaabo badan oo ka dhimani inay jiraan sida in calaamado lagu sameeyo laamiyad, xataa samaynta calaamadaha qoladaydan qurba joogu lacag ayey ka bixiyeen.

Khadar oo la weydiiyay waxyaabihii cajab geliyay markii uu dalka yimid wuxuu yidhi, “Horta runtii magaalada aniga mudo badan ayaa iigu danbaysay. Waaban garan waayey markaan bariga magaalada ka soo galnay. Magaaladi aad ayey u fiday oo dhismayaal qurux badan, xataa warshado ayaa laga sameeyey ilaa iyo biyo xidheenka agtiisii, magaaladu aad ayey dhinacaas ugu durugtay. Laakin horta markaad soo dhex gasho waad naxaysaa. Imika dariiqaas (Wadnaha magaalada) oo 1998 si fiican u dhisnaa, waxaanan odhan karnaa aad ayey wax uga dhaceen marka la bar bar dhigo barigaas oo laamidiiba la arki maayo. Waxaa ka sii daran meel walba waxbaa laga dhistay, xataa xabaalihii ayaan arkay oo guryo laga dhistay. Markaa runtii qaybtaas dawlada hoose ayaad ayey uga gaabisay, waana nasiib daro in nimankii la doortay iyada oo la filaayey inay wax badan qabtaan, waxaanad moodaa inay wax kale ku mashquuleen nimankii la doortay, xataa diyaaradii uu Cawl barigii meesha saaray iyo meelihi yar yaraa ee uu sameeyey ayaan dib loo rinjiyeyn.”

Khadar isagoo ka hadlaya wax qabsiga dalka wuxuu yidhi, “Dadku wax wayn ayey qabsadeen, gaar ahaana qaybta shirkadaha gaarka loo leeyahay oo waxaad mooda inay dadku aad u dadaaleen dhinacooga oo ay waxyaabo badan sameeyeen. Wax kasta oo aad maanta magaalada uga baahato oo aad dibada ka heli jirtay waad ka helaysaa Hargeysa. Qofka xitaa qurbo jooga ah ee dalka dib ugu soo laabta wax badan oo uu halkaas ka heli jiray waxaa laga yaabaa inuu halkan ka helo, taasina waxay u sahli kartaa in dadka qaarkood si sahlan u degi karaan magaalada oo dib u degida ayey aad u dhiirinaysaa. Xataa ganacsigii ayaad moodaa inay barteen siiba soo dhawaynta macaamiisha oo barigii hore Hargeysi waar naga kac ayaa lagu odhan jiray, laakin imika qofka hadii aad ku tidhaahdo koobka shaaha iga soo bedel waa lagaa soo bedelayaa.”

caaawa iyo qurbaha  - Copy (2)

Maxamed Aamin Siyaad, isaguna waa suxufi reer Somaliland oo degen dalka Denmark, waxaanu ka hawlgalaa idaacad magaceeda la yidhaahdo Radio Hormuud, waxaanu yidhi, “Kolay dalka marar badan oo hore waan imid, laakin doorkani waxay kaga duwanayd waxaan ka soo degay madaar aanan hore uga soo degin oo ah madaarka magaalada Berbera. Dalka waxaan dareemayaa in waxbadan oo wanaagsan la qabtay, walise waxaan aaminsanahay in aynaan dhawayn. Tusaale ahaan madaarka magaalada Berbera in kastoo wax badan laga qabtay shaqaaluhuna ay dadaalayaan inyar oo wali dhinaca nidaamka shaqada ah oo la hagaajiyo ama wax laga badalo  waan arkay. Runtii aragti wanaagsan oo ka wacan tii sanadkii hore aan kaga tagayna waan ku arkay dalka.

Horta runtii waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan arkay waxaa ka mida inay nabadii sal dhigatay oo aanad dhibaato la kulmin oo ay wax walba u dhaceen sidii loogu tala galay, taasi waa wixii aadka u wanaagsanaa ee aan arko. Waxyaabaha aan odhan karo malaha in la yar horumariyo ayey u baahan yihiin waxa weeyaan qofku markuu dalka yimaado aragtida ugu horaysa ee uu dalkan ka qaadan karaa wax weeyaan gagada diyaaradaha. Waxaa tusaale ahaan suurto gal ah qofku in aanu joogayn oo uu socdaal ku yahay. Sawirka uu ka bixin karaa ee dalka ku cabiraayo waxay noqonaysaa kii uu markaas ku arkay madaarka. Iyada oo aanu dadku tiro badnayn hadana in is dhex yaac fara badani ka muuqdo oo qofka dalka ay maalintaas ugu horaysaa uu runtii ka yar naxaayo waad moodaysaa. Laakinse waxaan dareemayaa maadama oo aan marar badan soo noq noqanaayey in wax badan oo horumar ah magaalada gudaheeda iyo intii aan jidka soo socday aan ku arkay, gaar ahaan ha noqoto in dadku dalka aad u aamineen oo dhismayaal aad u tiro badan la dhisaayo.

Mar la weydiiyay waxyaabaha ka yaabiyay mudadii uu dalka joogay wuxuu yidhi, “Dhinaca gaadiidka iyo dadka. Arrintaas walaaceedu wuu soo kordhayaa oo magaaladu waxay u soo muuqanaysaa inay tahay magaalo caasimad ah oo aanu joogin dadkii reer Somaliland oo kaliyi ee looga yimi dgeeskak Afrika oo dhan. Wadooyinku waa kuwii hore ee aynu naqaanay, baabuurtu way sii badanaysaa oo dadka iyo gaadiidki wadadii way wada isticmaalayaan. Waxaa markaas la yaab ah in saacadaha qaar, gaar ahaan galinka hore hadii ay wax kastaa dhacaan oo xitaa dab qabsado meel ama qof aad u xanuusanaya la wado in mararka qaarkood in aan buubuurtii iyo dadki meel ay iska dhaafaan aanu jirin. Arrikaas hadii aan laga tashan oo aan wax laga badalin wuxuu noqon doonaa arrin dadkan saamayn badan ku yeesha. Waxa kale oo aan iyadana walaaceeda qabaa dadka soo galootiga ah ee sida tirada badan dalka u jooga ee iyagana aanan ogayn ilaa hada nidaam iyo qorshe lagu diwaan-gelinaayo. Bari afkii ayey kula baranayaan, way kaa tiro badan yihiin, qaarkood imika dadkiiba kama dhex saari karaysid.

Mar la weydiiyay waxyaabaha ugu qoslka badan ee uu arkay wuxuu yidhi, “Waxaad maqlaysaa kaftan bulshada dhexdeeda ka dhexeeya oo maqaaxiyaha shaaha lagu kaftaamaayo. Ninbaa igu yidhi  bari aan dalka imid halkan markaad noogu timaado qosol iyo qaadba waad naga helaysaa, markaa labadaas waxaan filayaa inay dalku hodan ka yihiin.”

caaawa iyo qurbaha  - Copy

Siciid Baashe Cambalaash, isaguna waa muwaadin reer Somaliland oo muddo dheer degenaa magaalada London ee dalka Ingiriiska, isaguna wuxuu yidhi, “Waxyaabaha aan ka hadli karo intii aan magaalada Hargeysa joogay waxaa ka mida xaga baabuurta, xaga taraafikada. Horta waxaan odhan karaa waxaan ku farxay wadanku horumarka uu gaadhay intii aan ka maqnaa oo ay ka mid yihiin dhismaha wadanka oo aan kala garan waayey dhulkii iyo wadankii aan ka tagay oo aan lumayba, waxaana ka mida dhismayaasha fooqyada waaweyn iyo bulshada wadanka soo gashay oo aad iyo aad u fara badan. Waxyaabaha aan aadka ula yaabay waxaa ka mida xaga baabuurta ama isku socodka oo markii aan wadanka kala garan waayey ee aan socon kari waayey waxaan kaxaystay baabuur, baabuurkii wuu igu adkaaday oo waxaan is idhi waxaad gali shil waxbaa ka dhici doona, iyadoo xiligii iigu danbaysay uu wadanka taraafii ka shaqayn jiray, imikana ay ka shaqaynayaan oo ay badan yihiinba, haddana dhibaatooyin fara badan ayaan kala kulmay intii aan gaadhiga watay ama aan socday. Dhibaatooyinka aan kala kulmay waxaa ka mida  waa lagu joojinayaa oo waxaa lagu waydiinayaa waxyaabo aanad raali ka ahayn oo aan is idhi  malaha markay kuu arkaan qurbo joog waxbaa lagu waydiinayaa adiga oo aan waxb galin. Dhibaatooyinka markaad baabuurka wadato waxaa ka mida xaga dadka oo adiga oo wadadii maraya inkastoo aad is odhanayso waddooyinka in gaadhiba lagu kaxaysto istaahil maaha, mar mar ayaan is idhaahdaa waliba markaad aragto qof ku hor socda, waana kugu qasab in aad gaadhiga ka joojiso ama aad ka leexiso oo kii ku daba socdayna hoonka kuu tumo. Markaa adiga ayaa ka baydhaya ee qofkiiba gaadhiga ka baydhi maayo. Adiga oo magaalada maraya ayaad arkaysaa riyo laamiga socda oo iska kaa hor socda, intay sidaas kuu soo eegto ayey kaa baydhaysaa. Markaa waxaan is idhi malaha dadkiiba rida ayaa dhaantoo gaadhiga ka baydhaysa. Markaa runtii waxaa haboon in xaga baabuurta waxa laga qabto, oo tusaale ahaan taraafiga la tobabaro oo sida uu wax u joojin karo ama wax loola hadli karo la baro.”