Marxuum Talaabo Oo Si Heer Qaran Ah Shalay Loogu Aasay Magaalada Hargeysa

0
825

 

Hargeysa(Geeska)-Wasiir ku xigeenkii hore ee cadaalada xukuumadii hore Marxuum Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo) ayaa shalay si heer qaran ah loogu  aasay xabaalaha Nasahablood ee magaalada Hargeysa.

Marxuumka oo toddobaadkan ku geeriyooday magaalada Nayrobi ee dalka Kenya waxa aaskiisa ka qayb galay bulsho aad u tiro badan, guddoomiyaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Madaxweyne xigeenki hore Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, masuuliyiin ka socotay goleyaasha qaranka, xisbiyada qaranka iyo umad kale oo tiro badan.

Ka qayb galayaasha aaska marxuum Talaabo ayaa ka waramay taariikhdii kala duwanayd ee marxuumku ku lahaa halgankii SNM iyo weliba aasaaska iyo yagleelistii qaranimada Somaliland, waxaanay Alle uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo.