Wasiirul-dawlihii Hore Ee Gobalada Bari Oo Mar Kale Ku Noqday Maleeshiyadii Uu Ka Tirsanaa

0
664

Picture3Saax-dheer (Geeska)-Wasiirul Dawlihii hore ee Gobolada Bari Kayse Cabdi Yuusuf, horena uga tirsanaa Maamulkii SSC, ayaa muddo dheer oo uu ku sugnaa gobalada bari, ka dib wuxuu iclaamiyay inuu ku biiray kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo.

Kayse Cabdi Yuusuf oo ka tagay magaalada Widhwidih ee Somaliland, isla markaana u gacan galay iskuna dhiibay Khaatumo, ayaa  eedo aan jirin  oo aanu hore u sheegin dusha ka saaray Somaliland, kadib markii uu baxsaday, waxaanu ugu horeyn yidhi isaga oo u waramaya Shabakada Allkalshaale.com “Anigoo Hargeysa Jooga ayaan Khaatumo ahaa, Marnabana maanan Ogolayn duulaanka lagu qaaday dhulkeena, Weerarkii iyo ciidankii Buuhoodle weeraray Waxaanu lahayn Joojiya, Hada deegaanada ay ku sugan yihiin waanu kula dagaalamaynaa, haddii ay nooga Bixi waayaan”.

Kayse Cabdi Yuusuf isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi  “Anigu Hargeysa ayaan tagay, hore ayaana u sheegay inaan Hargeysa iyo Somaliland u tagayo Nabad, Nabadii Beesha Caalamka maqashiinayeen ayaan daba socday, mar ay heshiis nala galaan, oo ay xagooda ka fuli weydo, mar ay yidhaahdaan Xisbi madax banaan ayaanu idiin siinaynaa oo Saddexda Xisbi  mid ah,taana la waayo, mar ay yidhaahdaan Wasiirka Gobolada Bari ayaanu ku magacaabnay, oo si gaar ah qoladiina SSC ay u maamusho, ka bacdina dadka ayaa afti la weydiinayaa, waxaas oo dhan marka ay afkooda ka soo baxdo ayaa xagooda laga waayayey ama ay ku burburaysay, haddii aanu xagaa joognayna mar walba dadkayga ayaanu la aragti ahayn, anaga oo Hargeysa joogna ayaanu lahayn anagu Khaatumo ayaanu taageersan ahay, anaga oo Hargeysa joogna ayaanu lahayn Ciidamada Buuhoodle iyo Deeganadayda galay raali kama nihin, ee halaga soo celiyo, anaga oo Hargeysa joogna ayaanu lahayn haddii Nabadu shaqayn weydo waxa aanu ku noqonaynaa Jabhaydaydii oo halkii ayaanu dagaalka ka bilaabaynaa, oo sidii ayey u dhacday oo Nabadii Caalamka la maqashiinayey ayaanu u sheegaynaa Adduunka iyo intaba in aanay waxba ka jirin”

Keyse Cabdi Yuusuf isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Hadii Nabad la waayo, oo wuxuu Dalkani Nabad ku gaadho la  waayo, wuxuu xuquuq ku helo la waayo,   oo wuxuu ku helo rabitaankiisa iyo wuxuu wax kasta kaga maarmi karo la waayo, anagu waanu jeclayn balse xaqooda ayaanu ka weynay, hadeer waanu nimin oo dadkayga ayaanu dhibaatada la qeybsanaynaa, Maanta Saaxdheer waxa lagu wareejiyey 50 kaare, Garaadada iyo Odayaashii jooga Saaxdheeer, ilaa Taleex ilaa Laascanood.”