Ciyaarta Finalka Ee Hargeisa Stadium Oo Axadda Dhacaysa

0
554

Picture2Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha garsoorayaasha kubada cagta Khadar Jilaal isla markaana ah Guddoomiyaha tartanka bisha Ramadaan ee Hargeysa Stadium, ayaa sheegay in finalkii tartankan la ciyaari doono maalinta Axada, isaga oo tilmaamay in kooxda Birjeex Final taagan tahay, halka ay sugayso mid ka mid ah kooxaha Tigers iyo Halgan oo wada ciyaari doonto.

Guddoomiyaha Garsoorayaasha Kubada Cagta Khadar Jilaal ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya yidhi “Tartanka Hargeysa Stadium ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxa ku tarramaayey Labatan Kooxood, tartankana si fiican ayuu u bilaamay, waxaana aad ugu rajo weynahay inuu si fiican noogu dhammaado, kooxihii ka soo wada qeyb galay tartankan iyo taageerayaashuba si aad u fiican oo niyad wanaag ka muuqdo ayey sameeyeen, waxaana aan aad uga mahad celinaya oo tartankan naga maalgeliyey shirkada Somtel iyo Maayarka Caasimaadda, waxa kale oo aan aad ugu mahadnaqaya Wargeyska Geeska Afrika oo si joogto ah noogu qoraayey ciyaaraha, waxa kale oo aan aad ugu mahadnaqaya garsoorayaashii kala duwaana ee tartankan oo cadaalad muujiyey”.

Guddoomiyaha garsoorayaasha kubada cagta oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Tartankan oo muddo socday, ayaa waxa  Final imika taagan kooxda Birjeex oo sugaysa mid ka mid ah kooxaha Halgan iyo Tigers oo Bari Sabtida (Maanta), wada ciyaari doono, Finalka waxa la wada ciyaari doono Maalinta Axada”.