Wasiirul-dawlaha Madaxtooyada Oo Iska Difaacay Eeddo Uu Golaha Deegaanka Hargeysa U Jeediyay

0
535

Picture2Hargeysa (Geeska)-Wasiirul Dawlaha Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamed Muuse Abees ayaa ka jawaabay eeddo ay u jeediyeen golaha deegaanka Hargeysa, gaar ahaan guddiga dhulka ee dawladda hoose ee Hargeysa, iyagoo ku eedeeyay inuu la soo saftay golaha deegaanka Salaxley oo ay dhawaan is khilaafeen.

Wasiirul Dawlaha Madaxtooyada Maxamed  Muuse Abees ayaa isagoo shalay ay warbaahintu la kulantay, wuxuu yidhi  "Anigu waxaan ka mida ahay Guddi uu Madaxweynuhu u xilsaaray Xadaynta Madaarka Hargeysa,Madaarka Hargeysa oo la xadaynaayo oo taar lagu wareejinaayo,lagana dhigaayo Madaar Caasimadeed Madaarkaa xadayntiisu waxaa ay gashay dhul ayey gashay ay dad leeyihiin Waxay Koonfurta ay ka gashay saddex km,iyo lix km oo dherer ah,dadkii halkasi lahaa dawladu waa ay kala wareegtay meeshii waxaana ay doonaysay in ay dhul badal iyo lacagba ay siiso". Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Somaliland Maxamed Muuse Abees oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi"Qolada deegaanka ee Hargeysi waxaa ay doonaysay in aanu ku nidhi Madaarkaa xadayntiisu inta ay dhamaanayso wax Dan guud ah oo aad kabixin kartaan ma jirto ilaa iyo inta la dhamaystiraayo Xadayntiisa eeda ay ka hadlayaan horta waa taa anagu dhul la cunana kamaanan hadal,Xadayna kamanan hadal imikana waa ugu celinaynaa oo waanu u sheegaynaa,oo waxaanu leenahay Madaarkaas inta xadayntiisu ay socoto e ay dhamaanayso oo dadkaa dantooda guud loogu badalaayo dhulka loogu badalayaana uu yahay dhulkaas in aan cidna aanay isticmaali karin inta aanu ka hadalnayna waa intaas inta ay ka qaylinayaana waa intaas, Guddidana Maayarku uu ku jira,Guddidan haddii ay xun tahayna keligay maaha".

Wasiirul dawlaha Madaxtooyada oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi”Anigu nin reer Hargeysa iyo nin reer Salaxlay ayaan ahay, labadaba cid ii diidaysa ma jirto, oday ayaan u ahay, oo ka mid ayaan ahay, Siyaasina waan u ahay, waxa aanu ka hadlayna waa Madaarka Hargeysa, Madaarka Hargeysa quruxdiisuna qabyaalad ma gasho, waxa ay gashaa in Madaarka la xadeeyo”.