Ma Sharciga Siyaasadda U Shaqeeya Mise Siyaasadaa Sharciga U Shaqaysa?

0
550

Runtu Ma Fanta: W/Q Aadan Muuse Jibriil

Afeef; waxaa inoo socdey qoraalkii taxanaha ahaa ‘Maxaa Xayiray Aqoonsiga Somaliland’, waxaase soo dhex galay arrimahan adag ee socda oo dhinaca ay dhacaan saamayn masiiri ah ku yeelan doonaan mustaqbal dalka, ayaa waxay igu khasabtay in aan wax ka idhaahado. Qoraalkii horese halkiisii ayuu inooga sii socon doona, insha Allaha. Meeshu waa Parise, France Sannadkuna waa 1976, madashu waa Xarunta weyn ee ururka caalamiga ah ee UNESCO, dooduna waa ‘’Denbiyada Maraykanku ka galay Dadyawga Aduunka’’, ka qayb-galayaashu waa wafdiyo ka tirsan ururka Caalamiga ee Dhalinyarada Adduunka (World Federation of Democratic Youth). Waxa la isku qabtay sharcinimada in Maraykanka lagu xukumo denbiyada loo tirinayo, markii doodu kululaatay ayaa nin Sharciyaqaana oo ruugcadaya ayaa waxuu weydiiyey dalinyaradii shirka joogtey, oo aan ka mid ahaa, su’aal ah, Ma sharciaga Siyaasadda u sheqeeya mise Siyaasadda ayaa sharciga u shaqaysia? XAALADDA MAANTA: Xaaladda  maanta Somaliland ku jirto iyo arrinka Sharci waafajinta ee xallinta khilaafaadkan oo ah khilaafaad siyaasadeed,  ayaa I soo xasuusisay su’aashan bergaas fog khabiirku madasha soo ban dhigay oo khasbaysa in aynu dib u eegno su’ashan nafteeda. Maxaayeelay, xisbiyada  qaranka iyo xukuumaduba siday ku dhawaaqeen way aqbaleel arrinka dhexdhexaadintu soo jeedisay. Waxaase werwer laga qabaa, sida hadalada qaarkood muujinayaan labada gole ee sharci dejintu waxay yeeli doonaan. RAJADA MAANTA: Rajadu waxay tahay in Maxdada golayaashu markan mudnaanta siin doonaan Xallinta khilaafkan siyaasadeed oo khatarta gelin kara dalka iyo mustaqbalka nabadda Somaliland iyo guud ahaanba  nabada iyo deganaansha geeska Africa oo haddii dalkani muquurto qalalaase iyo dagaal sokeeye   saamayn doonto Geeska oo dhan. XASUUS-WADAREEDKA MAANTA: Waxaa kale oo aynu xasuusinaynaa Golayaasha iyo dadweynahaba iyo madaxda siyaasadaba in dib loo milicsado tiirarka ay ku taagantahay dawlad-dhiska iyo dimoqoraadiyada Somaliland: Tiirka ugu wayni waa Isku-dhafka ama isku-darka  iyo isu-dheeli tirka labada dhaqan siyaasadeed, ee Somaliga iyo Dimoqoraadiyad Casriga ah ee xisbiyada badan (Hybrid Political and Security Gavernance). Taas oo macneheedu yahay, in arrinka dibu-heshiintu qayb aasasi ah ka yahay dhaqan siyaasadeedka Somaliland. Arrintaasi oo qaderin mugle looga hayo dhammaan golayaasha aqoonyahanka Africa iyo hay’adha sharfta iyo magaca weyn ku leh Afirca oo ku qanacsan in qaabka isku-dhafka dhaqanada kala duwan ee Somaliland qadatay yahay midka keliya oo Africa ku habboon. ADEEGSIGA AQOONTA: Aqoonyahanka iyo weliba Siyaasiyiinta aqoonta adeegsadaa ee dunida oo dhammi waxay ku qanacsanyihiin in dimoqoraadiyada reer galbeedu  keligeed aanay ka shaqaynayn dal saldhigga bulshdiisu tahay qabiil. Sidaas darteena habkan Somaliland qqadatay ee ah in xallinta khilaafaadka lagu maamulayo dhaqanka maxalliga ah (Tradition Mechanism of Conflict resolution and Management) uu yahay Xalka keliya ee munaasibka u ah Africa. MAXA KEENAY HAKADKA: Haddaba maxaa keenay xaaladaha muujinaya hakadka ku dhacay qaabkii dhismaha dawladnimada iyo dimoqoradiyeenta Somaliland ee ahaa mid dunida oo dhan looga bogey (State Formation and Democratization processes) oo weliba keeni karaya dibu-gurashada iyo fashal dawladnimo. MAXA MAANTA HABBOON: Maanta majiraan arrimo badan oo la kala doortaa ee waxaa jiraa waa arrin keliya waana xalka mustaqbaka oo ah kii Somaliland Salka ku dhigtay, ku dhaqnayd oo maanta mudnaanta kowaad leh oo ah in wax waliba u shaqeeyaan xalka maanta fyraya dhabbaha mustaqbalka, maxaayeelay waa midka keliya ee maanta dalka ka baajin kara qalalaase siyaasadeed. Waan murtida ah ma sharcigaa siyaasada u shaqeeya mise Siyaasadaa sharciga u shaqaysa. Xikmadda xidhiidisa  Sharciga iyo Siyaasadda.  Waxaan Xikmadan ka soo xigtay Faylasufkii weyna ee la odhan jirey Aristotle oo ka yidii arrrintan oo kale: (‘’The right course of action depends upon the details of a particular situation, rather than being generated merely by applying a law’’.  

Adamjibril47@gmail, la soco,maxaa xayira Aqoonsiga

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here