Wasiiro Xadhiga Ka Jaray Qayb Ka Mid Ah Jidka Dila Iyo Borama

0
493

Borama(Geeska)-Wasiirka madaxtooyada Md, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Md. Maxamuud Axmed Garaad, ayaa shalay xadhiga ka jaray Jidka isku xidha Boorama iyo Dila 3km oo kamid ah, waxana uu isla halkaasi dhagax dhigay 5km oo kale oo jidkaasi dhamaystiri doonta.

Weftiga waxa halkaas arbixin ku siiyay Maareeyaha hayada SRA ee Somaliland Prof. Xasan Cali Cismaan waxana uu yidhi “ Mudane Wasiir jidkan aad xadhiga ka jaraysaa waa 3km oo ay xukuumadu maal galisay taasi oo ay fulisay hayada Asarda, waxana ay noqonayaa mid wax badan ka tartay baahidii jidadka ee gobolka Awdal, sidoo kale wadadan aad dhagax dhigtay waa 5km oo kale oo dhamaystir u noqonaysta jidka Dila ilaa Borama oo ay baahi badan u qabeen dadka ku nool gobolkani inay helaan”

Sida uu ku soo waramay weriye Cabdalle Cali Yuusuf, sidoo kale Xaaji cabdiqaadir Aadan Nuur oo ah gudoomiye ku xigeenka Hayada ASARADA ayaa waxa uu sheegay in talaabadan maanta la qaadayaa ay tahay mid si gaar ah ay sharafteeda uleeyihiin xukuumada Kulmiye waxana uu yidhi “ Mud. Wasiir jidkan waxa loogu yimid iyada oo aanay xukuumadii Siyaad Bare waxba ka qaban sidoo kale, xukuumadihii dalka isaga daba xigayna wax macno leh kama qaban, maanta waxa aad dhagax dhigaysaa dhamaystirkiisii, waxana ay tanu tahay talaabo guul u ah xukuumada Madaxwayne Siilaanyo oo aan abaal balaadhan u hayno”.

Wasiirka Madaxtooyada oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Alxamdulilaah eebe ayaa nagu simay inaan jidkan dhamaytirkiisa maanta dhagax dhigno, waxa aan ku rajo waynahay inuu dhamaan doono, waxana an sheegayaa hashu intan oo kaliya ma aha oo dhamaan mayso balse waxa nooyaala wax qabad badan oo u baahan inaan hiigsano oo ay umadu naga sugayso, isla markaana qayb ka ah waxyaabihii aan balan qaadnay, anaga oo marwalba ku xisaabtamayna tamarta xukuumada hadana waan dadaalaynaa waxqabadkuna waa astaanta xukuumada uu maanta hormuudka u yahay Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.”

Markii ay Boorama gaadheen ayaa waftigani waxa ay booqdeen biriishka xaafadaha Sh. Cusmaan ee magaalada Boorama oo ay roobabku waxyeeleen isla markaana ay dawlada hoose ee Boorama sheegay inay u maaro wayday, waxana sidan qiray Maayarka Boorama Mud. Saleebaan Xasan Xadi “ Waxa aan idiin balan qaadaynaa inaan waxii tabashooyin ah ee aad noo soo gudbisaan wax ka qabano, waxana aan ku dadaalaynaa inaan waxii naga awood bata xukuumada dhexe kula galgalano, wana sababtaas mida aan u keenay Wasiirada maanta goobtan.

Wasiir Xirsi iyo weftigiisu waxa ay isla duhurnimadii maanta soo booqdeen ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi oo ay ugu tageen guriga uu ka dagan yahay magaalada Boorama.