Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Ku Waajahan Natiijada Shirkii Ingiriiska Ee Somaliya Iyo Farriinta Uu U Diray Beesha Caalamka

0
481

 

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka fal celiyay dareenkiisa ku waajahan war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Ingiriisku u qabtay dawladda Somaliya, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo soo dhaweeyay midhahaas.

Sida lagu baahiyay barta ay dawladda Somaliland ku leedahay Internetka ee Somalilandgov, wuxuu Madaxweynuhu si niyad ah u soo dhaweeyay go’aamada shirkaas ka soo baxay, waxase uu ku taliyay in mar walba niyadda lagu hayo qaddiyadda Somaliland. Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ka hadlaya shirkaas wuxuu yidhi “Waxaanu ku faraxsanahay in shirkii Somaliya uu isku raacay in la sii wado wada shaqaynta Beesha caalamka iyo dawladda Somaliya ee dhismaha nabadda, degenaanshaha iyo barwaaqaynta gobalkayaga.”

Madaxweynaha Somaliland, wuxuu u muuqdaa inuu si gaar ah u soo dhaweeyay qodob ku jiray war-murtiyeedkii shirkaas ka soo baxay oo ka hadlayay horumar siyaasadeed oo la gaadho si loo hirgeliyo nabadgelyo waarta oo ka aslaaxda Somaliya, waxaanu Madaxweynuhu yidhi “Sidaas oo kale shirka Somaliya wuu ku saxsanaa inuu ogaado in horumarka siyaasadeed uu fure u yahay degenaanshe waara oo Somaliya loo helo. Waxaanu ku celinaynaa ahmiyada  ay leedahay in la qiro madaxbanaanida siyaasadeed ee Somaliland, taas oo muhiim u noqon doonta sidii loo rumayn lahaa baaqan dhigaya horumarka siyaasadeed.”

Madaxweynuhu, wuxuu beesha caalamka u sheegay inay Somaliland buuxisay shuruudihii qaranimo ee xeerarka caalamiga ah,  “Somaliland ahaan, waxaanu qabanay shan doorasho labaatankii sannadood ee u dambeeyay, waxaanan samaynay hay’ado qarano o shaqaynaya, waxaanan si xoogan ugu lug lahayn dedaalo caalami ah oo lagula dagaalamayay argagixisada iyo budhcad badeeda gobalka ku teedsan. Haddana guulahaas la qiray iyo sida aanu u buuxinay shuruudaha qaranimo ee xeerarka caalamiga ah weli looma arag Somaliland qaran la aqoonsayahay oo madaxbanaan. Anigoo tixraacaya heshiiska Ankara, waxaan rajaynayaa inaanu sii wadno wada hadalka Somaliya ee meel isla dhigista arrinta siyaasadeed ee Somaliland.”