Maayarka Burco Oo Sheegay Inaanu Cadho Kaga Bixin Hargeysa

1
524

Hargeysa(Geeska)-Maayarka magaaalda Burco Maxamed Muraad Cabdiraxmaan, ayaa sheegay inaanu cadho ka bixin magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ku guuldaraystay inuu la kulmo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Sida oo kale maayarku waxa uu ka hadlay dhulkii dhawaanahan ay isku maan dhaafsanaayeen wasiirka arimaha gudaha oo uu sheegay in dhawaan dhan uun loogu talin doono.

Waxa uu sidan maayar Maxamed Muraad u sheegay wargeyska Geeska Afrika mar uu xalay la xidhiidhay isaga oo ku sugan Burco, waxaanu ugu horayntii uu wargeysku waydiiyay maayarka ka noqshadii Hargeysa inay la xidiidhay cadho uu ka qaaday kulan uu madaxweyneha la kulmi lahaa oo baaqday sida warbaahinta qaar sheegtay, waxaanu kaga jawaabay sidan “ Waxaan Hargeysa u imi barnaamijka JPLJ-ga ee dawladaha hoose oo shir baanu ku lahayn hotel Anbasador aniga iyo xoghayaha fulinta iyo xubno  kale ayaana wada soconay, waana hawl markhaati leh oo ahayd soo bandhigida waxqabadkii afartii bilood ee tagay oo toddabadayada degmo ee JPLJ-guuu ka socdaaba laga rabay, waxa kale oo aanu meesha isugu nimid sidii talooyin laysaga waydiin lahaa barnaamijkan iyo maamulkiisaba. Waxaanu meesha  u nimina waa sidaas, warkanina ma jiro ay warbaahinta qaar baahiyeen .”

Maayar Maxmaed Muraad oo wargeysku uu su’aalay bal halka uu ku danbeeyay dhulkii dawlada hoose ee Burco dhiniciisa ku yaalay ee ay isku maandhaafsanaayeen wasiirka arimaha  gudaha waxa uu yidhi  “ Dhulkaas rayigayga waxii aan ka qabay hore ayaan uga waramay meesha ay ku dambaysana  waxa weeye waxii loo arko in danta dalka iyo degmadan aanu joognaa ay ku jirto ayuunbay iila muuqataa in lagu maamulaayo haddii ay noqoto in ninkaas muwaadinka ah la siiyo iyo haddii ay noqoto in danguud loo daayo, waxaana lagu maamuli doonaa sidii la arko in aanay wax dhib ah inoog imanayn.”

Comments are closed.