Wasiiro Imaaraadka Carabta U Tagay Heshiis Ku Saabsan Dekedda Berbera Iyo Su’aalaha Ku Xeeran

2
1929

 

cajiibHargeysa(Geeska)-Wasiirada arrimaha dibadda iyo madaxtooyada Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa dalka Imaaraadka Carabta u tagay socdaal la xidhiidha dekedda Berbera, oo la sheegay inay xukuumadu qorshaynayso in lagu wareejiyo shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta. waxa isna magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta gaadhay maareeyaha dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor.

 

Labadan wasiir oo la sheegay inay safarkooda ku weheliyaan dad kale oo aan dawladda xil ka hayn, balse madaxtooyada ku dhowdhow, waxa la filayaa inay magaalada Dubai kula kulmaan saraakiil ka socota shirkad la sheegay in la doonayo in lagu wareejiyo maamulka dekedda Berbera. Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo u waramay shabakadda Somaliland.org ayaa isagoo ka hadlaya ujeedada safarkooda wuxuu yidhi “Waxaanu socdaalkayagu la xidhiidhaa inaanu sii xoojino oo ka wada hadalo dawladda Imaaraadka carabta qodobo aanu hore uga wada hadalnay oo ay ka mid ahaayeen casriyaynta dekadda Berbera iyo mashaariic kale oo ay dalka ka fulin doonto Imaaraadka carabtu,”  Hase yeeshe ma jirto cid ka war haysa magaca shirkadaas ay xukuumadu sheegayso inay casriyaynayso dekedda Berbera iyo weliba sida lagu aamini karo. Waxase la sheegay inay shirkadani tahay mid ay muddaba xukuumadda Somaliland kula jirtay wada hadalo hoose oo aan shacabka loo soo bandhigin.

Bulshada Somaliland iyo si gaar ah shacabka Berbera ayaa indho fiiqan ku eegaysa natiijada ka soo bixi doonta wada hadalka xukuumadda Somaliland iyo shirkadaas Carbeed ee la sheegay inay casriyaynayso dekedda Berbera. Si kastaba ha ahaate weftiga wasiirada iyo maareeyaha dekedda Berbera ayaa la filayaa inay shacabka uga waramaan natiijada safarkooda marka ay dalka ku soo laabtaan.

Comments are closed.