Wasiirka Ciyaaraha Oo Ku Dhawaaqay In Tartankii Ciyaaruhu Dib U Dhacay

2
723

 

ciyaarahaHargaysa( Geeska )- Wasiirka wasaarada ciyaaraha Md.Cali Saciid Raygal, ayaa markii labaad ku dhawaaqay in ciyaarahii gobalada dalku ay dib u dhaceen, waxaanu shaaciyay in la qaban doono  tartankii ciyaaraha labada  bisha lixaad ee sanadkan aynu ku jirno.

 

Wasiirku waxa uu ku sababeeyay dib u dhaca markii labaad ku yimid tartanka ciyaaraha  codsayo ugu yimi sida uu sheegay qaybha kala duwan ee bulshada Somaliland, waxaanu beeniyay in arimo la xidhiidha dhanka amaanka uu ay dib ugu dhigeen tartankii ciyaaraha.

Wasiir Cali Saciid Raygal oo warbaahinta ugu waramaayay xafiiskiisa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan  “ Ciyaarahu waxay markii hore ku qorshaysnaayeen 15-12-2012-ka  markaas xiligii aanu ugu talo galnay wakhtigaas waxa naga soo galay doorashooyinka golayaasha deegaanka, waxaanay saamaxi wayday in mar la wada qabto doorashadii golayaasha deegaanka iyo ciyaarahii duruuftaasu waxay nagu qasabtay in ciyaarahii dib u dhigno oo aanu ka dhigno 15-1-2013-ka, tiina maanta waxay u eegtay in aany suurgo galayn markaas waxaan doonayaa sababaha ay u suurto gali waayeen in aan halkan ka sheego si dadka ay fariintii u gaadho.”

Wasiirka oo sababaynaaya baaqashada ciyaarahu waxa uu yidhi “ Runtii iyada oo aan dhibaato jirin wax waliba xiliga ay ku haboon yahiin ayay tahay in la socodsiiyo ceebina kuma jirto waxii ay wax ku hagaagayaan ama xiligii ay ku haboontahay  ama sida ay bulshadu jeclaysataba in la yeelo wax ku jabanina ma jirto, waatii aynu galnay doorashadii golayaasha deegaanka ka soo baxnay oo waa ay inaga dhamaatay, waxaanay ahayd in gobaladu iyo dagmooyinku ay soo anbabaxiyaan ayna isku habeeyaan oo ay isku duba ridaan anaguna wasaarad ahaan masuuliyada guud waanu leenahay laakiin markay gobalo timaado in ay hashii ka qaybqaataan weeye, markaas waxa dhacday in aan wali golayaashii deegaanka hawshoodii wali gacanta aanay wadagalin halkaasna ay qabyo ka tahay, oo ayna halaas ka timi qabyo ay ku soo diyaar garayn kari waayeen dhalinyaradii ciyaari lahayd, taaso duruufta sababtayna ay tahay in xil wareejimahii qarna ay socdaan qaarna ay ayaamo yar uun gacanta ku hayeen dabadeedna ay u saamaxi wayday inay wada gacan galiyaan hawshii.”

 “Qodabka labaadna waxa weeyeen inaga oo ku talo galnay xiliga fasaxa yar ee dugsiyada inay ciyaarahu ku beegmaan, fasaxii ayaa yaraaday oo 15 casho ayuu noqday  waxa jira arday dugsiyada sare iyo jaamacadaha dhigta oo ciyaari lahaa ama doonaya inay daawadaanba inay mudadii ku yaraatay  taasina waxay noqotay duruuf soo korodhay oo gobaladii ay u ciyaari lahaayeen ayaa keenay cabshooyin.”

Comments are closed.