Wasiirkii Hore Ee Horumarinta Denmark Oo Ka Warramay Socdaal Uu Ku Yimid Hargeysa Iyo Kulan Uu Yeeshay Madaxweynaha

0
1423

Hargeysa (Geeska) – Wasiirkii hore ee Horumarinta ee Dalka Denmark Mr. Christian Friis oo Maalmihii u dambeeyay Safar ku joogay Somaliland ayaa ka warramay Ujeeddada socdaalkiisa iyo kulamo uu la yeeshay Madaxweyne Biixi iyo Wasiirada Xukuumadda qaarkood.

Christian Friis oo shalay Warbaahin uu Geeska Afrika ka mid yahay kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu dalka u yimid mashaariic la xidhiidha horumarinta Kalluumaysiga, isla-markaana doonayaan inay mustaqbalka dhow Somaliland ka furaan Warshad kalluunka lagu farsameeyo, si Dalka dibeddiisa loogu dhoofiyo.

Christian Friis oo ah Wasiirkii xilligii la hirgeliyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) isla-markaana Dawladdiisu furtay Xafiiskeeda Hargeysa, ayaa ugu horrayn ka warramay ujeeddada socdaalkiisa xilligan, waxaanu yidhi “Magacaygu waa Christian Friis, waxaan ahay Wasiirkii hore ee Horumarinta Denmark, imika halkan waxaanu u joognaa Aniga iyo Fear Fishing inaanu raadino Fursad si aanu u taageerno Kalluumaysiga. 8 sanadood ka hor, waxaanu nimid Halkan aniga oo ah Wasiirka Horumarinta Denmark, waxaanu furnay Xafiiska Denmark ee Hargeysa, waxaanuna aasaasnay Sanduuqa Horumarinta Somaliland. Taasina waxay ahayd Aqoonsi Somaliland u aqoonsanay inay wax wanaagsan qabatay, aad baanan ugu faraxsanahay in Somaliland horumarkeedu uu si wanaagsan u socdo xitaa Coronavirus oo jira.”

Wasiirka hore waxa kale oo uu sheegay inay hadda arkayaan fursad wanaagsan oo ay lagu horumarin karo waaxda Kalluumaysiga ee Somaliland “Waxaanu arkaynaa fursad aad u weyn oo ah Waaxda Kalluumaysiga ee Somaliland, taasina waa sababta aan halkan u joogo. Somaliland waxaanu nahay Saaxiib, imikana waan doonayaa inaanu Saaxiibtinimadaa sii adkayno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka warramay kulamo uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirrada Qaranka qaarkood “Waxaanu kulamo muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarka Somaliland, Wasiirka Maalgashiga Somaliland, dhammaantood kulamadaasi waxay ahaayeen kulamo muhiim ah oo midho-dhal leh. Waxaan doonayaa inaan u Mahad-celiyo Madaxweyne Muuse Biixi, si uu noogu garab qabtay Hawsha aanu wadno ama Horumarka aanu ka wadno xagga horumarinta Kalluumaysiga, waxaanu noo muujiyey inuu na garab taagan yahay oo uu nagu dhiiri-gelinayo hawsha aanu bilownay.”

Ugu dambayn, wuxuu sheegay “Waxaanu doonaynaa inaanu Somaliland ka furno Warshad lagu farsameeyo kalluunka si waddamada kale loo geeyo, waxaanu rejaynaynaa in Maalin dhaw Denmark lagu cuno Kalluun laga keenay Somaliland.”ayuu yidhi, isagoo intaa ku daray in Cidda Maalgeshiga samaynaysa ay tahay Shirkad Magaceedu yahay IFU, taasi ooh ore Adduun lacageed oo gaadhaya 3 Billion oo dollar ugu Maalgelisay illaa 100 Waddan oo kale.