Wasiirkii Hore Ee Caafimaadka Dawladda Sheekh Shariif Oo Hargeysa Jooga

3
963

Hargeysa(Geeska) – Waxa magaalada Hargeysa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Maxamuud Jirde Xuseen oo ahaa wasiirkii hore ee caafimaadka ee dawlada Sheekh Shariif, gaar ahaan xukuumadii Cumar Cabdirashiid Sharmaarke.

Ganacsade Maxamud Jirde Xuseen, oo ah muwaadin u dhashay Somaliland balse aaminsanaa mabda’a federaalka Somaliya, ayaan la garanayn ujeedada socdaalkiisa, waxaanay wararku sheegeen intii uu Hargeysa joogay inuu kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo madaxda xisbiyada qaarkood, lamana hubo inuu ka soo noqday mabdii’saas hore ee Somaliweyn iyo inuu weli ku dhegenyahay, waxase la sheegay inuu waddo mashaariic horumar oo uu doonayo in Somaliland laga hirgeliyo.

Inkastoo Maxamuud Jirde Xuseen, lagu sheego inuu yahay nin aan dagaal iyo dhibaato ku hayn qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, haddana lama hubo inuu ku yimid cafis uu ka soo dalbaday xukuumadda Somaliland iyo inuu socdaal gaar ah ku joogo Hargeysa. Mar aanu isku daynay inaanu ganacsade Maxamuud Jirde Xuseen la xidhiidhnana noomay suurtogelin.

Comments are closed.