Wasiirka Waxbarashada Oo Ka Hadlay Mudaharaadkii Ardayda Maxamuud Axmed Cali

0
597

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka waxbarashada Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habane, ayaa ka hadlay mudaharaad ay Isniintii sameeyeen ardayda dugsiga Maxamuud Axmed Cali ee magaalada Hargeysa.

1

Wasiir Habane, ayaa sheegay inuu ka xunyahay mudaharaadka ay ardaydu samaysay, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay in wixii tabasho ah ee jira ay wasaaradu si toos ah wax uga qabato. Wuxuu mudaharaadkaas ku eedeeyay inuu ka dambeeyay maamulaha dugsigu, “had iyo jeer wax waa la taban karaa, macalin ama maamul ayaa wax laga taban karaa ama anaga, tabashadeenana aan wada hadal ku xalino oo suuq baa loo soo baxay iyo mudaharaad ayaa la samaynayaa, inagaa wada joognee aan wada hadalno, haddii aan wax qaloocinayno waan idinka daynaynaa laakiin yaan dhagax la isu soo qaadan.” ayuu yidhi Wasiir Habane, waxaanu isagoo ka hadlaya cidda dhibaatada abuurtay uu yidhi “Dhibaatadu waxay ka dhacayaa 25 sanno ninka meel joogay ma isagaa iskuulka leh mise dawladda, isagaa yeeshay run baan isu sheegaynaaye, ma suuroobayso taasi, wax suuroobaya maaha, kurku hadduu naga go’ayo ma qaadan karno 25 sanno intuu dhex fadhiyay haddana carruurta nagu soo diro maalin walba ma qaadan karno.”

Wuxuu sheegay in wasaaradda waxbarashadu doonayso inay soo kiciso dugsiyada dawladda Somaliland oo uu xaaladooda ka dayriyay “macalinka tayada leh ee iskuulada gaarka ah tagay inuu idiin soo noqdo ayaan doonaynaa, iskuuladii dawladii ayaa noqday kuwa laga yaaco, ma waxaasaan xukunaa markaas, waar lacagtan waalidka laga qaadayaa macalin tayo leh haw goyso, waxa laga mudaharaadayaa waa intaas, waalidka iyo ardaydu hanala gartaan. Annagu nin lacag meel ku shubanaya uma danaynayno ee shacabkaan u danaynaynaa.”

Wasiirku, wuxuu sheegay inaanay wasaaradda waxbarashadu mar dambe u dulqaadan doonin maamule iskuul oo sida uu sheegay soo abaabula ardayda kana codsaday inay mudaharaad sameeyaan.